
Halkaan ka akhri
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Kalfadhiga Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo lagu waday inuu furmo maanta uu markii 3aad uu dib u dhacay, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan mudada Gudoonka Baarlamaanka.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dib u dhacan ku yimid Kalfadhiga ayaa loo sababeynayaa dadaalo nabadeed oo laga dhex wado Xildhibaanada Baarlamaanka ee xilligan khilaafka adag u dhaxeeyo, sidoo kale waxaa la sheegayaa, in Madaxweynaha KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu dalbaday in dib loo dhigo kulanka Baarlamaanka, si loo xaliyo khilaafka xooggan ee ka dhex jira Gudaha Xildhibaanada Barlamaanka.
Ilaa xalay waxaa ka socday aqalka Madaxtooyada Kulamo gaar gaar ah, sidoo kale waxaa Saaka ka soconayay xarunta Madaxtooyada, kulamo ay albaabada u xiran yihiin ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa iyo Xildhibaanada fikirkooda kala duwan.
Inkastoo Xaruntii Golaha Shacabka ay diyaar tahay, hadana Madaxda Dowladda ayaa isku dayaya in la dhayo xurgufta Xildhibaanada, si ay u baaqato isku dhac dhex mara Xildhibaanada dhexdeeda marka ay kulmaan.
Dhanka kale waxaa la sheegayaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe uu ku adkeysanaya xilkiisa, iyadoo ku dhowaad 300-xildhibaan ay ku doodayaan inuu dhamaaday waqtiga Gudoonka, taasoo xaalada sii murjisay.
Balse dadaalada hada socda ayaa la sheegayaa in ay keeni karto isu soo dhowaansho dhinaca Xildhibaanada, kadib markii Madaxweynaha uu bilaabay inuu dhex dhexaadiyo Xildhibaanada.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss

















































































































