
Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha Barlamanka Sheikh Aadan madoobe ayaa sheegay in qaar ka mid ah Beesha Caalamka ay soo faragaliyeen Khilaafka Barlamaanka, si ay dhex dhexaadin ka dhex bilowday xildhibaanada iyo gudoonka Barlamaanka KMG kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku muransanaa jiritaanka gudoonka Barlamanka.
Sheikh Aadan madoobe ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay khilaafka mudooyinkan ugu dambeeyay ka dhex jiray isaga iyo xildhibaanada Barlamaanka KMG ee Soomaaliya.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in markii uu soo xoogeystay khilaafka mudanayaasha iyo gudoonka Barlamanka ay soo fara galisay beesha Caalamka islamarkaana ay wax badan ka qabtaan isagoo intaasi ku daray in wax walba ay kala dhamaan doonaan fadhiga Barlamanka,waxaana uu Sheekh aadan Madoobe carabka ku dhiftay in mad madowgii barlamanka la xaliyay islamarkaana maalmaha soo aadan la arki doono xildhibaanada oo mideysan.
Hase yeeshee Mar wax laga weydiiyay gudoomiyaha haddii uu beri dhacayo kalfadhigii lagu balansanaa in uu ka dhaco Xarunta goloha Shacabka ayuu sheegay in uu cadeynayo in uu dhacayo fadhiga barlamanka.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss
















































































































