Gabar Soomaaliyeed oo ka qayb geshay Tartan lagu soo bandhigaayey quruxda Haweenka Carbeed, oo loogu magac daray “Miss Arab”.

Daawo Sawirrada kale

 Halkaan ka akhri

Waxaa magaaladda Qaahira ee dalka Masar lagu qabtay sanadkaan Tartanta Quruxda Haweenka Carbeed, “Miss Arab” waxaana lagu soo warramay inay kaalin weyn ka qaadatay gabar Soomaaliyeed oo xirneyd  Magaca ah Miss Somalia.

Sida la sheegay Tartankaan ayaa waxaa isu soo istaagay, kana soo qeyb galay 17 wadan oo ka tirsan wadamada Jaamacadda Carabta.

Hase ahaatee dadkii nasiibka u yeeshay in ay  u soo daawasho tagaan bandhig  quraxeedka Haweenka Carbeed, ayaa waxay si aad ah ula dhaceyn, ugana heleen qaab wanaaga iyo dhaqaaqii xiisaha lahaa, iyo waliba sida ay gabadhaas ay u muujisay, isla markaasna u soo bandhigtay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed , taasoo  mataleysay anshaxa dhaqameedka wanaagsan ee Dadka Soomaaliyeed ay  leeyihiin.

Dhanka kale waxaa wadan kasta oo ka mid Jaamacadda carabta lagu amray inay soo xushaan gabadha ay isleeyihiin wey ugu qurax wanaagsan tahay.

Si kasta ha ahaatee Tartankaan oo la filayey inay ka soo qeyb galaan 22ka dalka ee Jaamacadda carabta ku jiraan, balse waxaa  tartankan yimid 17 dal oo carbeed ayaa waxaa sanadkaan nasiibka quruxda heshay Gabar u dhalatay Boqortooyada Sacuudiga oo magaceedu la yiraahda Mawada Nour,  taasoo loo-caleemo saaray in ay tahay “Miss Arab”  oo ah Gabadha ugu qurxoon badan wadamada carbeed sanadka 2009-ka, waxaa kaloo kaalinta 2aad geshay Jessy Zahar oo u dhalatay dalka Lebanon.

SomaliSwiss     Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,454 other followers

%d bloggers like this: