Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo gaaray wadanka Liibiya.

Moamer Kadhafi  &  President Sheikh Sharif Ahmed

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa gaaray caasimada wadanka Liibiya ee Tripoli kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa wadanka libiya mucamr Al Qadaaf, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libiya C/xakiin Ugaas Cali .

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo dhowr Toddobaad uu safar ku maray qar ka mid ah Gobollada dalka Mareykanka, kulamo la soo yeeshay Jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Mareykanka.

Safiirka ayaa u sheegay Warbaahainta in Labada madaxweyne  la filaayaa in ay kawada hadlaan xaaladaha geeska Africa, gaar haan tan Soomaaliya kuwasoo si qotodheer uga wadahadali doono arrimaha Soomaaliya iyo dadka tahariibayaasha ah ee ku xiran xabsiyad wadanka Liibiya.

Sidoo kale Safiirka u fadhiya wadanka liibiya dowladda Soomaaliya ambassador Cabdi Xakiin Ugaas Cali oo la hadalayay wakaaladaha wararka Caalamiga ayaa sheegay in maanta lagu wado in kulan muhiihim ay labada madaxaweyne ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada dalka Liibiya ee ku yaala magaalada Tripoli.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah soo gaarayey mudooyinkan cabasho xoogan oo kaga imaanayey Waalidiinta iyo Qaraabada dhallinyarada tahriibayaasha ah ee ku xiran xabsiyad dalka Liibiya waxaana dowladu ay horay u sheegay in ay wax ka qaban doonto dhibaatada haysata dadka  ku xirxiran xabsiyada wadanka Liibiya.

SomaliSwiss Tripoli

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,753 other followers

%d bloggers like this: