
Halkaan ka akhri
Baaq ay soo Saareen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa waxaa loogu baaqay in dadka Soomaalida ah ee sanadkaan soo gudanayo Waajibaad xajka in ay u soo duceeyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee Musiibada ku habsatay.
Afhayeenka gobolada dhexe ee ciidamada culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheikh C/risaaq Max’ed Mire Al Ascari oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa waxaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda sanadkaan u suurta galaysa in ay soo xajiyaan ugu baaqay in ay gudanayaan waajibaadka ay u soo duceeyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Sheikh C/risaaq Max’ed waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay soo foodsaareen abaaro dagaalo iyo nolol xumo Saameyn ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed mudada 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu xujeyda kula taliyay in meelkasta oo ka mid ah dhulka barakeysan ay uga duceeyaan dadkooda iyo dalkooda marka ay ducaysanayaan, Umadda Muslimka ah u codsadaan in umadda Soomaaliyeed Musiibada ka saaro.
Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe waxaa uu Umadda Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay joogteeyaan ducooyinka Alle bariga ah, si dhibaatada heysta uu ugu dulqaado.
SomaliSwiss Gobollada dhexe
Filed under: SomaliSwiss

















































































































