
Halkaan ka akhri
Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka dowladda KMGSoomaaliya oo lagu magacaabo Xildh. Cilmi Dhaqane Aar ayaa cambaareyn kulul dusha uga tuuray mas’uuliyiinta maamulka goboleedka Puntland.
Cambaareyntan ayaa timid kadib markii Maalin dhoweyd loo diiday xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidan ay hogaaminayeen oo ka cararay magaalada Baladweyne in ay gudaha u galaan magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan maamulka Puntland.
Xildhibaan Cilmi Dhaqane Aar ayaa waxaa uu ku eedeeyay maamulka goboleedka Puntland in uu bilaabay kala takoorid in ay kadhex bilaabeen dadweynaha Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cilmi Dhaqane Aar ayaa yiri “Maamul goboleedka Puntland waxaa ay la yimaadeen wax ka duwan aragtidii Soomaalida, ayna tahay in wax laga qabto arrintan” sida uu hadalka u yiri.
Xildhibaan Cilmi Dhaqane Aar waxaa kaloo uu sheegay in uu xiriir la sameeyay wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Puntland, kaasoo la xiriira arrinta lagu sameeyay xildhibaano katirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu dambeyntii xildhibaan Cilmi Dhaqane Aar ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay dhowaan dib ugu noqon doonaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss

















































































































