
Halkaan ka akhri

Taariikhda Shaqo iyo Waxbarasho ee Qore Sare Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud
Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa Taariikh Nololeed kooban oo ku saabsan Qoraaga sare ee Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud iyo wax qabadkiisa, si ay ula Socdaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Akhristayaa Shabakada SomaliSwiss iyo Dhegeystayaasha Radio Somaliswiss.
Qoruhu Magaciisa oo saddexan waa Axmed Dhicisow Daa’uud, wuxuu Ku dhashay Degmada Baardheere Gobolka Gedo 01/01/1948.
Waxbarashada Dugsiga Quraanka iyo Dugsiga Hoose, wuxuu ku soo qaatay Degmada Baardheere.
Waxbarashada Dugsiga Dhexe, waxaa uu ku soo qaatay Hoyga Isha Baydhaba (Coleggio Baidoa) ee magaalada Baydhabo Gobolka Bay.
Waxbarashada Dugsiga Sare iyo Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qalan jibiyey Jaamacadda Umadda Laanteeda Siyaasadda, asagoo qaatay Shahaadada B. A. ee Culuumta Siyaasadda ( POLITICAL SCEINCES ).
Wuxuu kaloo Dr. Axmed Dhicisow uu Waxbarasho isugu jirta Aqoon Kororsi iyo Takhasuus Suxufinnimo ah ku soo qaatay Wadamada Talyaaniga, Ciraaq iyo Liibiya.
Dr. Axmed Dhicisow waxaa uu kasoo shaqeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Waaxda Qoraalka gaar ahaan Wargeyskii Xiddigta Oktoobar oo ka ahaa Qore Sare (Chief Editer).
Waxaa uu isla Wasaaraddaasi ka noqday Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha, isla markaasna ka noqday Guddoomiyaha Guddiga Shaaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta.
Sidoo kale Dr. Dhicisow waxaa uu ka mid noqday Howlwadeenadda Xiriirka guud ee Ururrada Shaqaalaha ee Soomaaliya, Madaxna ka noqday Ururka Shaqaalaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo uu ka mid noqday Howlwadeennada Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, qaybta hoggaanka Abaabulka.
Dr. Dhicisow waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Degmooyinka Doolow Gedo iyo qaar ka mid ah Degmooyinka Gumeysiga loogu qabsaday dagaalkii 1977 ee Ethiopia iyo Somalia, waxaana ka mid ah deegaanadaas Doolow Addo iyo Doolow Bay oo ka mid ah dhulka ay xoogga ku xaysato dowladda Ethiopia.
Intaas kdib Dr. Axmed Dhicisow, Sanadku markuu ahaa 12/11/1981 waxaa uu ka fadhiistay shaqooyinkii uu Qaranka u hayey Sababo iyo duruufo waqtigaas jiray Awgeed, waxuuna u shaqo tagay dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaa uu shaqo ka helay Shirkad Weyn Talyaani ah oo waqtigaas qandaraas ku qabtay dib u habeynta Isgaarsiinta Sacuudiga sida TV-ga iyo isku xirkaTeleefonada, 6 Sano iyo Bar, kadib, waxaa uu ku soo laabtay dalka Soomaaliya, asagoo si gaar ah ugu shaqeysanayey Shaqooyin isugu jiray Ganacsi oo ah Import iyo Export, Qandaraasna ka qaadan jiray Hay’adaha Dowladda.
Mar labaad waxaa uu dalka ka baxay Dr. Dhicisow Billawgii dagaaladii Sokeeye 15. Oktoobar 1989-kii, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee ka baxay Soomaaliya marka uu billabanayey Dagaalka Sokeeye oo imminka 18 jirsaday .
Dr. Axmed Dhicisow waxa uu u kacitimay dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ka noqday Bare Af-Soomaali Università Orientale di Napoli.
Sideed Sano kadib, waxaa uu u soo wareegay Dalka Switzerland, oo uu hadda ku nool yahay gaar ahaan magaalada Zürich. wuxuuna Muddo 12 Sano ah waxaa uu gacanta ku hayaa Radio SomaliSwiss, sidoo kale waxaa uu Muddo 4 Sano ah ka mid yahay Qorayaasha Sare iyo Howlwadeenada Shabakada SomaliSwiss Website.
Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud, inta uu joogay dalkan Switzerland, wuxuu Juhdi weyn geliyey siduu Soomaalida ku kala fogaaday Dagaalka Sokeeye isugu soo dhaweyn lahaa, maadaama ay ku kala fikrad duwanaayeen Midnimada Ummad ahaaneyd ee Soomaalida, hase yeeshee wuxuu ku guuleystay inuu isku xiro Soomaali badan oo ku nool Gobollada Dalkan Swisska, wuxuuna Dr. Dhicisow ka tirsan yahay Ururka Samafalka ee Rajo Peace, Integration & Development for Somalia, kana mid yahay Guddiga Fulinta, wuxuuna yahay Xoghayaha Xiriirka Jaaliyadaha Kantoonada, Is-dhexgalka iyo Xisaabaadka.
Sidaas iyo Barasho Wacan
Waxaa idin soo diyaariyay Qoraalkan Tifaaftiraha iyo Webmasterka SomaliSwiss Yusuf Garabey.
Filed under: SomaliSwiss

















































































































