Madaxweyne Sheikh Shariif oo Beesha caalamka uga digay in Ururka Al-Qaacida ay Fariisin ka dhigan doonto Soomaaliya, haddii aan laga hortegin.

Madaxweyne Shariif

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa uu ka dhigay in Ururka Al-Qaacida ay Fariisin Istaraatiijik ah ka dhigtaan Gudaha Wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Wareysi qaas ah siinayey Wargeys ka soo baxa Wadanka Talyaaniga oo lagu Magacaabo The Daily Business ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Al-Qaacida ay wadaan Olole ay ku doonaayan inay Gudaha Wadanka Soomaaliya ka samaystaan Saldhigyo sida ay ka samaysteen Wadanka Afghanistan.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Al Qaacida Waxay Soomaaliya uu arkaan meel aad uu muhiimsan kuna haboon in laga samaysto Xarumo laga soo duulo, Soomaaliya waxay leedahay Bad aad uu dheer, marka Soomaaliya waxay Bar Tilmaameed uu noqotay Ururka Al-Qaacida.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu hadalkiisa sii raaciyey in Soomaaliya Xaalada ay imminka ku jirto ay ka duuwantahay kii ay ku jirtay 90-maadki, waxaana uu arrintaasi uu u sababeeyey in Al-Qaacida ay Fariisimo yar yar ku leeyihin dalka Soomaaliya sida uu yiri.

Dhanka kale wuxuu inta ku daray in dhibaatada aysan Dadka Soomaalida oo keliya Saamaynaynin balse ay Saamaynayso Aduunka oo dhan loona Bahan yahay in Beesha Caalamka ay Ummadda Soomaaliyeed ka qabato waxa uu ugu yeeray Dhibaatada Ururka Al-Qaacida ay ku heyso.

Si kasta ha ahaatee in Madaxweyaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaliya ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan shir ka dhacaya dalka Talyaaniga, kaas oo ay ka qeybgalayaan dalalka la baxay kooxda xiriirka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 460 other followers

%d bloggers like this: