Daawo Sawiro kale
Halkaan ka akhri
Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Gobollada Bay, Bakool, Shabellada Hoose iyo Dhaxe ee dalka Soomaaliya ayaa si aad ah uga walwayey dhibaatooyinka abaaraha wata Cudurka Shubanka.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Waxgaradka degmada Baydhaba ay dalbadeen in Booyado biya ah lala gaa
ro Qoysaska ku dhibaataysan gudaha Magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran.
Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka oo qayla dhaanta ka soo yeertay ayaa waxaa ay yihiin kuwa iyagu ku nool goobaha iminka biya la’aanta xoogan ay ka jirto oo xataa dadka qaarkood biya la’aanta ay u geeriyoodeen.
Sida uu sheegay Malaaq Cabdi Ibraahim Cali oo isagu ka mid ah
Odayaasha ku dhaqan deegaanka Cali Muumin oo dhibaatada biya la’aanta ay ka jirto ayaa waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada Magaalada Baydhaba iyo Hay’adaha Samafalka in ay gargaar lasoo gaaraan wala
alahooda dhibaataysan.
Sidoo kale qayla-dhaankan xooga badan ee ka soo yeeraya Odayaasha deegaanada biya la’aanta ay ka jirto ayaa waxaa ay kusoo beegmaysaa xilli shalay duleedka Magaalada Baydhaba biya la’aan darteed ay ugu geeriyoodeen ilaa iyo 3 carruur ah.
Hase yeeshee iyadoo dhibaatada biya la’aaneed inta badan deegaanada gobaladani ay ka jirto ayaa waxaa durba
gudaha Magaalada Baydhaba dhaqdhaqaaqyo dadkaasi loogu gargaarayo kabilaabay gudiga ugargaarida dadka tabaalaysan oo ay ku midaysanyihiin ganacsato, culimaa’udiin iyo Midowga Ardayda ee Magalada Baydhaba.
Dhibaatada biya la’aaneed ee deeganada Gobalka Bay iminka ka jirta ayaa ah tii ugu darnayd oo in muddo ah soo marta Bay iyo Bakool, iyadoo deegaanadan inta badan ay yihiin Qoysaskii ka soo cararay dagaaladii Muqdisho ka dhacay.
Ma ahan keliya Gobollada iyo bay iyo Bakool ee waxaa sidoo kale Abaaro aad u daran ka jira G/sh/Hoose iyo Dhaxe oo toddobaayadii ina soo dhaafay dad aad u fara badan ugu dhinteen aafooyin ay keentay Abaaraha ku dhuftay Goobahaas,
SomaliSwiss Bay
Filed under: SomaliSwiss


















































































































