Sheikh Maxamed Umal oo xalay ka jeediyey Masjidka Abuubakar Muxaadaro cinwaankeedu ahaa xaalada halista ah Soomaaliya.

sheikh-umal2

Halkaan ka akhri

Waxaa  xalay Muxaadaro cinwaankeedu ahaa Soomaaliya oo xaalad halis ah ku jirta rajana qabta; ka jeediyay Masjidka weyn ee Abuubakar oo ku yaala xaafada Islii ee magalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Sheikh Maxamed Cabdi Umal, waxaana uu sheegay in safarkiisii Soomaaliya inuu muhiimad gaar ah u ahaa.

Sida uu sheegayba Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo dhowaan safar ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu si kulul u weeraray fikradaha ay aaminsan yihiin qaar ka mid ah Kooxaha Muqaawamada ee ka dagaalama Soomaaliya.

Sidoo kale Sheikh Umal oo isagu ah Imaamka Masjidka Abuubakar ee xafadda Islii ayaa inta badan xilliyada saladaha waajibka ah ee lagu tukado Masjidka waxa uu ka hadli jhiray marwalba arrimaha Somalia isagoona lagu eedeeyo in sida xaqiiqda ah aan uga hadlin arrinta Somalia laakin hada Sheikhu waxa aad moodaa in sida ay wax u socdan uu sida tooska ah u abaaray.

Ugu horreyntii bilowga muxadaradaba Sheikh Umal wuxuu soo qatay xadiis (NNHK) laga wariyay oo ahaa (warka iyo argtidu isku mid ma ahan) iyadoo isla markiiba ay dadka qaar dareemeen in wadaadku uu ka hadli doono waaqica ka jira Somalia.

Dhanka kale Sheikhu wuxuu marka horaba sawir kooban uu ka bixiyay xaalada ka jirta magalada Muqdisho maadama uu ka mid ahaa culuma’udiinki musaalixada ka dhex waday Dowladda iyo kooxaha mucaaradka waxaana uu ka hadlay kulamdii ay la qaateen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo sidoo kal kooxaha mucaaradka.

Sheikh Umal  oo ka hadlayey hadalada dhex maray Asaga iyo Mucaradka waxa uu shegay in kooxaha muqaawamada ay ku edeeyen dhowr muxadarooyin oo wadaadadii musalaxada ay ku qabten masjidyo ku yala magalada muqdisho kuwaasoo ku sabsanaa in la joojiyo dhiiga bini’adamka ee sida sharci darad ah loo daadinayo waxana arrintasi ay keentay buu yiri Sheikhu in muqawamada qaar nagu yiraahdaan ma waxaa la idin soo diray in shacabka iyo mujahidinta aad iska hor keentaan taana nasiib daro ayuu ku tilmamay Sheikh Umal.

Balse Sheikh Umal waxa uu ku eedeyay koxaha muqawamada xilliyada ay la dagalamayan Ciidamada AMISOM sheegtan oo kaliya tirada iyaga ka geriyoota laakin aanay sheegin shacabki ay ku kor dagaalamen tirada ka geriyooneysa taana waa qalad ayuu yiri.

Waxaa Sheikhu uu sheegay in uu soo arkay dhalinyaro isku ah wadaado, oday dhaqameed iyo saraakiil ka tirsan kooxaha muqawamada oo shegaya in hadlkoda ma ahane wax kale oo soconaya anay jirin waana nasiib daro waxaana uu yiri in la iska qabta raga nuucaas ahna wey haboontahay.

Sheikh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu shegay in madaxda dowlada ay intooda badan ka aqabalen in wadanka shareecada islaamka ay ku dhaqaan laakin waxa uu si weyn uga soo horjeestay wararkii ka soo baxay kooxaha Xisbul Islaam iyo Alshabaab ee ahaa in been la dhoob dhoobay ay tahay hadalkaasi markii wasiiradu ay ansixiyen ku dhaqanka shareecada waxaana Sheikhu uu sheegay in aanay suurta gal noqoneen warkaasi diidmada ah ayna haboon tahay in la joojiyo.

Sidoo kale Wadaadku waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Dowlada Midnimada Qaran e Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu yahay nin wadaad ah diintana si fiican u yaqaana cid laga yeelayana ma jirto buu yiri wadaad ma ahan waxaana hadalkan uu qeyb ka yahay hadalada dabacsananta ah ee ka muuqata Sheikha, bedelkii uu horay u dhaleeceyn jiray.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in shacabka Somaaliyed (100%) ay si weyn u taagersan yihiin Dowladda Madaxweynaha uu ka yahay Sheikh Shariif maadaama dadku ay dhibaatoodeen nidaamna ay u bahan yihiin.

Sheikh Umal ayaa sidoo kale ka hadlay dilalka sharci darada ah, Gaaleysiinta dadka, shaqalaha heyadaha ee la afduubanayo, waxa uuna shegay in arimahas shaksiyad dhoor jiho ka kala socda ay ku kacaan.

Sheikhu waxaa uu sheegay in kooxaha muqawamada qaar ay ku kacaan arintaasi waxana u geynayo buu yiri aqoon dari xaga diinta ah, kuwa kale ee falalkan nuucan oo kala ah ku kaca ayuu shegay in yihiin kuwa calooshood u shqestayal ah.

Hase yeeshee Sheikha ayaa sheegay in falalka nuucan oo kala ah ay sameeyaan kooxo uu ku sheegay in ay yihiin muqaawamada xorta ah oo cidna aan ka amar qaadan isla markana isku soo ekeysiiya muqaawamada.

Wuxuu kaloo Sheikh umul ka hadlay danaha reer galbedka ay ka leeyihin wadanka Somalia waxaana u sheegay in ay doonayan in ay dagalamaan muslimin Somalia isla markana ay isku jabaan waxaana tusaale uu u soo qaatay dagaaladii dhawan ka dhacayay gobolka G/lgaduud ee u dhexeyay Alshabaab iyo Ahlu Sunnah Waljamaacah waxaana uu sheegay in reer galbeedka ay u doonayan in kooxda Ahlu Sunah Waljamaacah ay banaanka u soo saaran isla markana ay ku adeegtan ,dhinaca kalane waxa u sheegay in magaca ahlusuna la dhacay loona bahan yahay in la soo celiyo maadaama magacasi ay iska lahaayen Asxaabtii Nabi Muxamed(NNKH).

Si kasta ha ahaatee  Muxaadarada Sheikh Umal uu soo jeediyay ayaa waxa ay sababtay in ay ka caroodaan taageerayaal fara badan oo uu ku lahaaa xaafad Islii iyo guud ahaan wdankan Kenya ka dib markii Sheikhu uu si dhab ah uga hadlay xalka ka jira wadanka Somalia taagerayashiisuna ay u famenn in uu taageeray Dowlada Midnimada Qaran ee uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

SomaliSwis   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,740 other followers

%d bloggers like this: