Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ahaa hoboladii Qaranka Waaberi oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ALLAHA u naxariistee marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ahaa abwaanadii caanka ahaa soo maray hobolada Qaranka ee Waaberi hooyadii Fanka Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa geeridiisu timid ka dib markii muddo todobaad ka badan uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dib markii ay la soo gudboonaadeen xanuuno kala duwan oo mudooyinkan hayey, kuwaasoo sababay in marxuumka uu duhurnimadii maanta ugu geeriyoodo isbitaalkii uu ku jiray.

Geerida ku timid abwaan marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo si weyn ay uga naxeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa wararka haatan naga soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay sheegayaa in halkaasi ay ka socoto qabanqaabo iyo abaabulo xooggan oo ay wadaan dadweyne Soomaali ah oo halkaa ku dhaqan kaasoo lagu doonayo in aas weyn loogu sameeyo qabuure ku yaala magaaladaaasi oo la filayo inuu galabta ka dhaco.

Marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn ee ka qeybta libaax ka soo qaatay horumarinta Fanka Soomaaliyeed oo uu ku soo jiray 50 sano ka badan, waxaana abwaanka lagu xusuusta riwaayado badan lagu soo bandhigay masraxyada dalkeena, kuwaasoo ka turjumayey suugaan kala duwan oo dadweynaha soomaaliyeed ay si weyn u jecleysteen.

Hase ahaatee taariikhda Abwaan Cabdi Muxumad lagu soo koobi karo qormo yar, waxaana tacsi u direynaa haddii aan nahay dhamaan bahda boggan SomaliSwiss guud ahaan shacabka Somaaliyeed iyo gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin, anagoo Alle uga baryeyna inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo.

aamiin..aamiin…amin

Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,819 other followers

%d bloggers like this: