Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in la qiyaameeyey Odayaasha dhaqanka ee magaalada Beledweyne.

Buuraha Beledweyne

Halkaan ka akhri

Cumar Xaashi Aadan oo ah Xogayaha arimaha gudaha  ee isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya  ayaa ku eedeeyay Ciidamada Ethiopia inay khiyaameeyeen Odayaasha dhaqanka ee Gobollka Hiiraan isagoo sheegay in Ciidamada Ethiopia ay kula dagaalami doonaan gudaha magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Xoghayuhu oo ku sugan gudaha magaalada b/weyn ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada xoogagga dib u Xoreynta ay magaalada uga baxeen dalab kaga yimid Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan  si loo bad baadiyo dad Soomaaliyeed ku dhibaateysan gudaha magaalada Beledweyne.

 

Mudane Cumar Xaashi Aadan ayaa tilmaamy in Ciidamaa Ethiopia ay yihiin khiaanoolayaal caalami ah islamarkaana ay ku caambaxeen dhibaatada dadka rayidka ah, hase ahaatee ay Xoogagga dib u Xoreynta ka go’an tahay inay dagaalo la galaan ciidamada Ethiopia  iyagoo kula dagaalamaya gudaha magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Balse hadalka ka soo baxay xogayaha arimaha gudaha ee isabaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aadayaa waqti xaalada magaalada B/weyn ay tahay mid Cakiran  islamarkaana ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo milatari,waxaana taa badalkeeda guryahooda baneeyay dadkii deganaa magaaladaasi. oo marti u noqday buuraha ku hareereysan magaalada B/weyn

 

SomaliSwiss  Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,771 other followers

%d bloggers like this: