Maxamed Cabdi Xuseen Gudoomiyihii Degmada Buur Hakaba oo Maanta si rasmi ah isaga casilay xilkii gudoomiyenimo ee uu u hayay dowladda KMG ah.

Maxamed Awkaarey

Halkaan ka akhri

Gudoomiyihii Degmada Buur Hakabo ugu qaabilsanaa dowladda KMG ah ee la Shaqeysa Gumeysiga Ethiopia, ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu iska casiley xilkii uu ka hayey Maamulka Gobolka Baay.

Gudoomiyaha is casiley oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xuseen (Awkaarey), ayaa Shir Jaraa’id oo ku qabtey isla Degmada Buur Hakabo, waxaa uu uga dhawaaqey is casilaadiisa oo uu sabab uga dhigey wax qabad la’aan dhanka maamulkii loo magacaabey la soo gudboonaatey.

Maxamed Cabdi Xuseen (Awkaarey) oo Saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in uu kulamo iyo wada tashiyo la soo yeeshay Odayaasha Deegaanka ka hor intii aanu ku dhawaaqin is casilaadiisa.

Maxamed Cabdi Xuseen (Awkaarey) is casilaadiisa ayuu saldhig uga dhigey, wax qabad la’aan uu maamulkiisu ku sifoobey tan iyo markii xilkan loo magacaabey oo ay ka soo wareegtey muddo 4 sano ah sida uu hadalka u dhigey.

Sida caadada u ah marka maamulka ka tirsan dowladda KMG ah uu doonayo in uu is casilo ayuu sabab uga dhigaa is casilaadiisa wax qabad la’aan la soo gudboonaatey maamulkiisa.

Waxaa horey isu casiley intii badneyd Maamuladii Degmooyinka Gobolka Bay iyo Bakool ugu qaabilsanaa dowladda KMG ah, kadib markii sida ay sheegeen ay la soo gudboonaatey cabsi joogta ah iyo wax qabad la’aan dhanka arihii loo xilsaarey ah.

SomaliSwiss Buur Hakaba

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,755 other followers

%d bloggers like this: