Ciidamada Ethiopia
Halkaan ka akhri
Waxaa dadweynaha ku dhaqan agagaarka Janta Kundishe ee Duleedka Magaalada B/weyn ay Saakay ay arkayeen in Ciidamadii Ethiopianka ahaa ee fariisinka ku lahaa halkaasay isaga guureen, iyagoona abaaray wadada aada dhanka Gobolka G/gaduud.
Hase yeeshee wararka laga helayo Magaalada B/weyn ayaa sheegaya in Ciidamada oo wata gawaarida dagaalka iyo saanad milateri ay aroortii saaka ka huleeleen Xerada Janta Kundishe oo 5km u jirta Magaalada B/weyn.
Balse dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ayaa soo dhoweeyay bixitaanka Ciidamada Ethiopia, waxaana ay ku tilmaameen in taasi wax ka tari karto degenaanshaha Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Ethiopia ayaa mararkii ay soo galaan Magaalada waxay la kulmaan weeraro kaga yimaada dhanka Kooxaha Kacdoonka, waxaana dhacda dhimasho iyo dhaawacyo ay geystaan Ciidamada marka la weeraro.
Balse maalmihii u dambeeyay Ciidamada waxay xarumo ka dhigteen Gudaha Maamulka sida xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan, taasoo yareysay dhaq dhaqaaqii Magaalada.
Haddaba si rasmi ah looma oga in Ciidamada Ethiopianka dib ugu soo laabanayaan Magaalada B/weyn oo ah Magaalo istiraatiiji ah, iyadoona wararka qaarkood sheegayaan in ay fariisimo ka sameysanayaan Gobolka G/gaduud oo ay tiro dhowr jeer oo hore tageen, deetana dib uga soo laabteen.
SomaliSwiss Beledweyne
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: SomaliSwiss


















































































































