Maalmaha 26 June iyo 1. July 1960 kii waa munaasabad qadarin iyo qiimeyn ka mudan qof walba oo Soomaali ah.

Munaasabadaha Xuriyadda

Halkaan ka akhri

Shalay oo kale 26 juun sanadkii 1960 waa maalin aad loo xassuusto waa maalin dadkii waqtiga joogay aay gocanayaan wanaagii maalintaa aay lahayd,bal dib u xassuuso maalintaa yaa usoo halgamay yaase gumeeystihii xiligaa jiray seefta la hortaagnaa isweeydiise soomaalidaa waqtigaa jirtay iyo kuwa manta jira maxay ku kala duwan yihiin waa wax iska cad su’aalahaa jawaabahooda oo waxaa xiligaa gumeeystihii jiray gashaan u duruuray oo horboodayay halkanka waxaay ahaayeen dhalinyaro illaahay ka bad baadshay xumaanta iyo qurunka aay qab yaaladu keenday.

 

Hase yeeshee  markii aad fiirisid dadkii waqtigaa jiray oo dhan iyadooaan lagala soocin in aay isku wadda duuboo aay ka fiicanaayeen dadka manta soomaalida sheegta ee taageeraya qab qable dagaal.hogaamiye dhaqameed.cadiifad ama qabiil wax ka carfiya ama tarriiqo diimeed higaada hadalkooda intaa aaan soo sheegay la’aantoodna aaysan wanaaga galaynin illaa aay iyagu aay u bilaabaan wanaaga ama xumaanta mid kii markaa usoo hormara.

Balse munaasabadaha isgarab yaal ee 26 juun iyo 1 luulyo haddii aan dib u gocano waxaay ku timid waqti dheer aay soomaali dhex dabaalanaysay mugdi iyo jaahilnimada uu wadday gummeystuhu deedna aay usoo tafa xaaydeen dhalinyaradii (S.Y.L) sidii aay ummada soomaaliyeed uga saari lahaayn dhibaatada markaa haysatay kuwaasi oo isku dhaarsaday wax u qabashada shacbiga la daalaa dhacayay xumaanta gumeeystaha uu riixayay.

Dhallinyadan waxay halkaas ka sameeysteen urur soomaaliya oo dhan kala gaaray meel walba kuwaasi oo faafiya hadafka iyo mabaadiida ururka waxaayna markaa helaan soomaali ka bad qabtay ama uusan dardarin qabiilku xuunaanta uu jiidayo isla mar ahaantaana dhalinyaradaa waxay ka faa’ideeysteen wanaaga waqtigaa jiray kadibna gundiga aay giijisdeen una bareereen in aay gacanta gashtaan caloosha libirigii liqi rabay shanta gobol aay soomaalidu ka kooban tahay halkaa aay ka soo dhiciyeen cadowgii soomaaliya dal,dad iyo diin intaba  oo bad qabta isuna baahan iskuna calool fiyoow.

Waxayna markii ugu horeeysay halkaa laga aasaasay Somali weyn isu jidbeeysan farxad iyo bogaadina hawada isu marinaya maalintaa markaa aad aragtid dadkaa iswadda mar xabbeyna waxaad isleedahay dadkaan tirada badan ee isku wadda hambalyeeyna ma carruur baa u wadda dhashay haa oo waxaa dhashay hashii maan deeq ahayd oo muddo dheer la wadda sugayay.

Si kasta ha ahaatee  maalintaas waxay ahayd markay ka jibo keeneen dhalinyaradii syl halkankoodii waxaana markii ugu horeeysay xoriyada helay gobolada woqooyi 26 juun 1960 oo aay ka xoroobeen gumeeystihii ingiriiska waxaana xigay goboladii koofureed oo aay xoriyada ka qaadeen talyaaniga 1/07/1960 kii waxaana ku sii xigay midoowkii labada gobol oo aay halkaa ka dhalatay markii ugu horeeysay soomaali weyn oo sal weyn ku taagan

Waxaa soo Diyaaraiyey  A. Dhicisow

SomaliSwiss@homail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,757 other followers

%d bloggers like this: