Gobolka Banaadir
Halkaan ka akhri
Gudomiyihii Degmada Huruwaay Cumar Cabdulle Jacfaan oo xuriyadiisa dib u helay, kadib markii muddo19 Cisho ah uu u xirnaa Ciidamada gumeysiga Ethiopia.
Gudoomiyihii u qaabilsanaa degmada Huruwaay maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia Cumar C/lle Jacfaan oo muddo 19 cisho ah u xirnaa ciidanka gumeysiga Ethiopia ee deganaa qeybo ka mid ah degmada Huruwaay ayaa maanta dib xoriyadiisa u helay.
Cumar Jacfaan oo sababta loo xirey ka hadlayey ayaa sheegay in uu u afduubnaa ciidanka gumeysiga Ethiopia ee fariisinka ku leh xarunta warshadii hore ee Baastada.
Cumar Jacfaan isagoo kawarbixinaya intii uu xirnaa ayuu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo uu la kulmey waa sida uu hadalka u dhigeye, isaga oo intaa raaciyey in si wanaagsan loola dhaqmey.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay haddii la xirayo oo uu danbi galey ay tahey in uu xiro maamulka gobolka Banaadir ee uu maamul ahaan hoos tagi jiray maamulkiisa, balse arintaa la hareer marey oo cid aan shaqo ku laheyn uu u afduubnaa.
Cumar Jacfaan ayaa sheegay intii uu xirnaa in ay aheyd xarig bilaa macna ah oo uu ku afduubnaa, balse hadda uu xoriyadiisa dib u helay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa horey u cambaareeyay xariga Cumar Jacfaan, gudoomiyaha degmada Huruwaay maamulka gobolka Banaadir ugu qabilsan, isaga oo sheegay in uu xarigiisu yahay mid sharci daro ah.
SomaliSwiss Mogadisho
Filed under: SomaliSwiss


















































































































