Taliye xigeen Ethiopia
Halkaan ka akhri
Sheikh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo ah Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in maalintii Arbacada ahayd oo isu soo dhiibeen Mujaahidiinta Maxkamada, askari ka tirsan ciidanka Ethiopia iyo Ciidamo kale ka tirsan Dowladda KMG ah iyo Gaadiid dagaal ay isu soo dhiibeen dhinaca Maxkamadaha islaamka.
Sheekh Maxamuud Sheikh Ibraahim Suuley Af-hayeenka oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay khadka taleefanka ayaa shaaca ka qaaday in Askariga Itoobiyaanka ah ee dhankooda isu soo dhiibay uu yahay Sarkaal xigeen ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ka howlgali jiray gudaha Soomaaliya.
Hase yeeshee Afhayeenka Maxkamadaha ayaa sheegay in sababaha sarkaal xigeenkaas uu dhankooda isu soo dhiibay ay tahay, isagoo u dul qaadan waayay dhibaatada loo geysanayo Ciidamada Ethiopia, sidoo kale wuxuu sheegay askarigaas inuu ka danqaday dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyed .
Wuxuu intaa ku daray Afhayeenku in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo wata gaadiid dagaal ay ku soo bireen , isla markaana si weyn ay u soo dhoweeyeen, isagoo sheegay inay kafaala qaadi doonaan askartii isu soo dhiibto ayna ula dhaqmi doonaan si wanaagsan.
Si kasto ha ahaatee ma jiraan wax war ah oo ku saabsan arinta askarigaa oo ka soo baxay dhanka ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Ethiopia iyo sheegashada Maxkamadaha ee ku aadan ciidamo ka goostay oo u galay Dhinaca Maxkamadaha.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: SomaliSwiss

















































































































