Tv cusub oo lagu magacaabo “RAAD TV“, Soomaalina leedahay oo hawada soo galay, howlwadeennadiisuna ay yihiin wariyayaal caan ka ah, gudaha iyo Dibedda dalka Soomaaliya.

Tvga Cusub

Halkaan ka akhri

Waxaa dhowaan hawada soo galay Taleefishinka caalamiga ah ee lagu magacaabo RAAD oo ah taleefishin ku hadli doona afka Soomaaliga oo barnaamijyadiisa laga daawan karo dhamaan daahafaha dunida, gaar ahaan deegaanadda ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla afka Soomaaliga.
 
Ujeeda ugu muhimsan ee Tvgan ayaa loo abuuray ayaa ah inuu la hadlo dhamaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga, gaarsiiyana barnaamijyada u danaynaya bulshada Soomaaliyeed.

 

Maamulaha TVga RAAD Marwa Fawzia Yusuf Xaaji Aden, ayaa sheegtay in TVgan uu noqon doono mid ka madax-banaan siyaasaddo gaar ah.
 
Maamulaha waxay sidoo kale sheegtay in TVga RAAD oo haatan soo galay hawada ayaa laga daawadaa Qaaradaha Africa, Asia iyo Australia,

 

Sidoo kale waxaa maamulka taleefishinku xaqiijiyeen inay bisha June ay hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan.
 
Balse Tvgan ayaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcad iyo qadarin ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed oo khibrad iyo Aqoon u leh Warbaahinta isla markaana si fiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda oo isugu jira Odayaal iyo Dhalinyaro.
 
 Wariyayaasha howshaas wadi doona ka mid: Maxamud Dalmar ,C/salaan Hereri, Axmed Xasan Cawke, C/shakuur Cali Mire, Maxamed Ducale, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Cali Axmed Raabi, C/xaafid Ismaaciil , Cabdicasiis Sadaam iyo Amran faysal.
  
Tvgan ayaa waxaa ka bixi doono Barnaamijyada ku saleysan runta ee ay ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay in laga xaqabtiro oo ka mid ah: diinta, siyaasadda, suugaanta, wacyigalinta, taariikhda,warar iyo Madadaalaba leh
 
Si kasta ha ahaatee Taleefishinkan oo hawada galaya labadii bisha May ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha waxa ay ka daawan karaam haatan: Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder: 4GL.

 

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,821 other followers

%d bloggers like this: