Maxamed Qanyare:- Waxaa laga wadi waayay dib u heshiisiinta C/llaahi Yusuf hadana asaa hortaagan oo weli hor fadhiya, xattaa dowladii hore asey kashaqeyn weysay.

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax

Wareysi dheer

Halkaan ka akhri

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MAXAMED QANYARE

Maxamed Qanyare Afrax, oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda KMG ah, ayaa magaalada Baydhaba ka maqan in ka badan sadex bilood, oo uu sheegay in uu fasax 90 casho ah soo qaatay markii uu kasoo tahagay magaalada Baydhabo.

Maxamed Qanyare ayaa isagoo Nairobi kusugan wareysi siiyay Idaacadda Afka Soomaaliga ee BBC-Somali, isagoo dhinacya badan kaga hadlay wareysigaasi.

Maxamed Qanyare ayaa ka tirsanaa Isbahaysigii Ashahaada ladirirka ee ay Maxkamadaha Islaamka xoog uga saareen magaalada Muqdisho, ayaa hadda soo jeediyay in loo baahan yahay in dowladda KMG iyo Maxkamadaha Islaamka ay wadahadal galaan, heshiisna ay gaaraan.

Maxamed Qanyare waxa uu si cad u weeraray Madaxweynaha KMG Cabdullaahi Yusuf Axmed oo uu sheegay in nabadda uu caqabad ku yahay oo uu boos aan booskiisa aheyn wax kamaamulaya, uusan wax nabad layiraahdo dan kalahayn iyo dib u heshiisiin ka dhacda Somalia.

“Dowladaan waxaa lugu soo dhisay iney kashaqeyso dib u heshiisiin, ee dowlada iska socotoo dhibaata un heysa, oo aan dib u heshiisiinta kawarqabin me eheen, dib u heshiisiintana waxaa laga wadi waayay madaxda waaweyn ee Dowladda KMG”.

“Waxaa laga wadi waayay dib u heshiisiinta Madaxweyne C/llaahi Yusuf hadana asaa hortaagan oo weli hor fadhiya, xattaa dowladii hore asey kashaqeyn weysay oo wax aan shaqadiisa aheyn faraha lagalaayo.

“Odaga woxow ku qaldanyahay waxa dastuurka isaga u baneeyay iyo wuxuu u baneynin kala ma yaqaan, marka howl walbow faraha is kala galaayaa” sidaas waxaa yiri Maxamed Qanyare.

“Hadaan sidaan wax laga badalin wixii dhaca iyakaa kamasuul ah cid walboo dhimaneysana waxaa kamasuul ah cida diidan dib u heshiisiinta, wixii kayimaadna ayakaa kamasuula ah” ayuu yiri Qanyare.

Hadalkan Maxamed Qanyare ayaa kusoo beegmaya xili ay C/llaahi Yusuf iyo Nuur cade kusugan yihiin Magaalada Muqdisho, xilli uu isaga wadanka kamaqan yahay mudo kabadan 3 bil, iyadoo lagu soo waramayo in uu khilaaf dartiis uga tagay Baarlamaanka u adeega dowladda Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,010 other followers

%d bloggers like this: