Dil Siinka Dheer
Halkaan ka akhri
Sarkaal lagu magacaabo Aadan Cabdulle Weeydoow iyo nabadoonka lala dilay oo isna lagu magacaabi jiray naabadoon Max’ed Cadoow ayaa ku naf bexay goobtii lagu toogtay.
Kooxihii geeystay dilkaasi ayaa isaga cararay goobtii ay dilka ugu geeysteen sarkaalka iyo nabadoonka la socday lamana oga sababta dhabta ah ee ka danbeeysay dilka sarkaalka iyo Nabadoonkaba.
Dilalka qorsheeysan ayaa waxaa horay loogu yaqaanay magaalada Muqdisho, deegaanka uu dilka ka dhacay waxaa uu ka mid yahay goobaha ay ku nool yihiin dadkii ka bara kacay magaalada Muqdisho, waxaan dhowr hore weerar loo adeegsaday walxaha qarxa lagu qaaday Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo marayay wadadaasi.
Dilka sarkaalka loogu geeystay deegaanka garas baaleey ayaa ah kii ugu hogreeyay ee ka dhaca halkaasi.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss Tagged: | Mogadishu, Somalia


















































































































