Taariikh dheer oo ku Saabsan bilowgii Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, illaa bur burkii wadanka Soomaaliya, “Sawira Taariikh Mudan 1960″.

 Ciidamada Cirka Soomaaliya

Ciidamadii Cirka Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Arooryo Suuban Saaxiibayaal

Saaxiibadii ay masiibooyinka waayaha adduunku nakala firdhiyeenow, saaxiibadii sharafta iyo qaderinta iga mudnaayow, saaxiibadii aan xiriirka birta ah lahaynow, saaxiibadii midba midka kale naftiisa u hurijirow, saaxiibadii muddada dheer usoo kifaaxay kobcinta iyo dhisidda ciidankow, saaxiibadii waqtigi noloshooda ugu qiimaha badnayd ciidanka ku tabarrucow, saaxiibadii heeganka u ahaan jiray difaaca xoriyadda iyo haybadda qarankow, saaxiibadii waranka caaraddiisa iyo gaashaanka adag ciidanka u ahaan jirow, saaxiibadii lafdhabarka lamaloodiyaanka ciidanka u ahaan jirow, saaxiibadii aan xataa hurdada ku ledijirin oo hal il ku soo jeedi jiray darteed difaaca iyo ammaangelinta hawada dalkow, saaxiibadii aan waxqabadkoodi cidi dafirikarinow, saaxiibadii aysan wali ka go’in xanafti iyo xaaddi dareenka waddan jacaylkow, saaxiibadii aan cabashada iyo cabsida aqoonow, munaaradi horseedka ciidankow, naftooda hurayaashi dhiigooda qaaliga ah u daadiyay dalkow, hargaantiyadi (hunters) aan goonibaarka (target) cadawga lagefi jirinow, surun-gooyeyaashii (interceptors) diyaaradaha cadawga ciideenna ka caajiyow, cududdi aan waligeed cudurka kansarkaa ee qabiilku saamaynow, waxgaradkii iyo waayeelki ciidankow, khaubaradii iyo ab’ogaagi ciidankow, waxaa farxad weyn ii ah, maanta oo ah 15 Febaraayo, kuna beegan sannad guuradii 47aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ciidanka cirka Soomaaliyeed, walow aniga iyo aasaaseyaashi badankooda ay u tahay 50 guuradii bisha soo socota ee Noofembar iyo halka ay kuwa kalna u tahay sida Faytaan 55 guuradii, inaan munaasabaddaan qaayaha iyo qiimaha badan darteed idiin soo gudbiyo dhammaantiin, xaasaskiina, carruurtiinna iyo faraca carruurtiinnaba, salaam kal iyo lab ah, hambalyo iyo bogaadin diiran xagal kasta oo aad maanta dalka iyo shanta qaaraddood daafahooda uga nooshihiin.

Ilaahay aan kawada barino inuu naga dhigo kuwii ku wada kulma waadiga jannada, marxuumiintii u dhimatay ayagoo waajibkoodi gudanaya iyo kuwii bas u dhintayba ka waraabiyo jannadii firdowsa . Aamiin

Waxaan hambalyo khaas ah u diraa ruugcadaaga duuliye sare Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan) iyo xaaskiisa oo ka nool shanti duuliye ee C.C. wax ka aasaastay, laysinka duulimaadka diyaaradahana qaatay 1954tii kuna duulay diyaarado wadartoodu kor u dhaaftay 15 oo isugu jiray mileteri iyo rayid. Faytaan waa duuliyihii ugu horreeyay ee dalka Masar kusoo duulay 1961dii diyaarad dagaal oo jeet ah noocii ugu horreeyay ee ciidankeenna 1963dii salab looga dhigay.Max’ud Cabdullaahi wuxuu kale oo uu dhidibbada wax uga aasay shirkaddii Soomaali Airlines oo uu duuliye ka ahaa 1964 ilaa 1990kii. Waxaan hambalyo taas la mid ah u diraa Duuliyeyaashi, Injineeradi iyo Farsamayaqanadii “Shirkaddii haybadda qaranka Soomaaliyeed” ee Soomaali Airlines iyo garabka diyaaradaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo labaduba badankoodu ka soo farcamay C. Cirka Soomaaliyeed.

bSidoo kale, waxaan hambalyo hawada u marinaa duuliye Asli Xasan Cabaade oo colaaddi sokeeye shirkii dib u heshiisiintii ee  2000  lagu qabtay magaalada Caarte ee  dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti  ku caan baxday (Asli calansida) oo ah gabadha qura ee duuliye ahayd ee berisamaadkii na faraxday (tarraxday) oo aan weli si gaar ah ugu xasuusto dadaalkeedi dheeraadka ahaa ee ay ku muujisay in gabadha Soomaaliyeed aysan wiilka ka gaabin iyo guubaabadeedi waddaninnimadu ku dheehnayd ee ay had iyo jeer  shucuurteenna iyo niyaddeenna  sare ugu qaadi jirtay.

Munaasabaddaas darteed waxaan aaladda shabakadaha interneedka idin kugu soo gudbinaa dhacdadi taariikhiga ahayd ee 15 Febaraayo 1960kii oo kooban iyo dhowr sawir oo guud ahaan xambaarsan xasuus taariikheedki Ciidankeenna haba ugu badnaadeene waagii ciidanku gurguuranayey, waqtigii uu saanqaadka billaabay iyo goortii uu foodda la galay qaangaarnimada.

Sawiradaas oo aan ku dhitayn jiray 1957 ilaa 1988 galsawireed (album) aan ku magacaabay (Askunkii C.C.),  galna uga sii  dhigay  (asbestos) dharka aan guban sida kan ay xirtaan dab-damiyeyaashu  goortay  dab bakhtiinayaan oo aan dhulka  ku duugay muddadii u dhaxeysay ( 05/01/ 1991 ilaa 29/11/ 1996dii) si aysan u dabar go’in qaybta yar ee aan ka hayay xasuustii iyo raadki taariikhdii C.Cirka   oo nasiib wanaag sayixii iyo suyucii qoyaanka roobabku keeneen sawiro badan oo muhim ah ay  ku bololeen  kuwo kalena ku  qayirmeen, walow badankoodi  qaddar Alle  uga samatabaxeen, roobkii, duqaynti, burburki iyo ololki dambaaburaha  balbalaayay watay ee dagaalladi sokeeye ee aan sumcadda, guusha iyo geesiga lahayn balse baabi’iyay raad kasta taariikhdii  dhaxalgaka ahayd ee ciidamadeennii qalabka siday iyo guud ahaan tii dalkoo dhan iyo sawiro kale oo laga soo qaaday xarunti C.Cirka dagaalladii sokeeye ka dib.

Intii taqiinay xeradaas markay arkaan indhahooda ilmo kusoo joogsanayso. kuna abuuraya, fajac, murugo, tiiraanyo, qarracan iyo muraaredillaac sida arxanka daran ee waxmagaratadii jadbaysneyd, hawtalhamagii wayraxsanaay, galtimacruufkii xayraansanay, mooryaanti hororka iyo maciin-laaweyaasha ahaay ee xagal kastee dakeenna  ka soo xarkagoosatay  kuna caanka baxay wax burburinta, boobka, biliqada hantida qaranka iyo tan dadweeynaha  oo  sida majixin-jixenimada iyo naxariis la’aantu  ku dheehan tahay cidkasta u warjeefay ayagoon  u kala aabbeyeelin dumar, caruur iyo ciroolaba, dabaqadkastana ku abuuray qax iyo hayaan, cabsi iyo kurbo, walawal iyo walbahaar maguuraan ah. Saqajaantii iyo dowdarradi baydadsanaay ee waxwalba caynbeel ka dhigay, sanjidhaankii iyo surungooyeyaashi aan sariigta iyo damiirka lahayn, qawleysatadii iyo dibjirkii kadhigay wixii hal  qarni lagu dhisay hal bacad lagu lisay, daadufyadii dugaafad joogga ahaa, haadunkii iyo silic-kunoolkii aan waxba saluugayn ee xataa birqaabkii iyo dabqaadki aan qoysna u reebin, fallaagadii iyo waxshiyiintii aan naxariista iyo damqashada lahayn  ee xataa u feentay sidii diiratadii, ayaxii, iyo aboorkii kana dhigay galgelin bannaan iyo birqanax hangarradi qaadiimka iyo qaaliga badnaay oo berisamaadkii diyaaradaha lagu xerayn jiray iyo dhismayaashi bilicdooda lagu indha darandari jiray ee ku yiil xeradii Afiyasiyoone ee la dhisay sannadkii 1929kii, lana cusbooneysiiyay sannadihii 1943dii (Ingriiska) 1950kii(Talyaaniga) 1962dii, 1975kii (Soomaalida) iyo 1994tii (UNISOM).

15 Feberaayo ma ahayn mid ku timid oo kaliya (decreto) go’aan madaxweyne ee waxay ahayd mid ku timid maalin naga mudnayd xasuus iyo xushmo gaar ah oo aan codsanay inay noo noqoto munaasabad aan u damaashaadno. Xaqiiqadii, isir ahaan C.Cirka unuggiisu wuxuu ka soo farcamay kontamaadki ciidanki Talyaanigu u qortay inay ilaaliyaan ammaankooda iyo kan qalabka dagaalkay wateenba.

Ilaa iyo laga soo gaaray maalinta aan u dabaaldegayno, ciidankaasi nasiib uma helin in loo carbiyo (crew) shaqaale duulin karay diyaarad xamuul qaada. Haddaba, ciidan kasta oo maanta dunida kajira wuxuu leeyahay maalin maalmaha kale uga duwan, maalin xasuus gaar ah u leh, annaga teennu waa 15 Febaraayo, waa maalin naga mudan qadarin iyo xasuus  gaar ah, waa maalin inta nolosheenna ka dhiman aan xasuusteenna ka go’ayn, waa maalitii riyadeenni rumowday, waa maalintii aan ku dhiiranay inaan fulino hawl dhib iyo masuuliyad badan, waa maalintii noo horseeday iskaashi iyo iskuduubnaan, waa maalintii noo horkacday horumar iyo guul la taaban karo, waa maalintii ciidankeennu isla helay laf dhuux leh iyo laba dhagax, waa maaltii afaraad oo C.C.  ula mid ahayd farxadihii 26 Juun, 1da Luuliyo 1960kii iyo 27 Juun 1975, waa maalintii aan xor u noqonay inaan  kaligeen  ku qaalmarogano, ku gadgaddoono  hawada saree udugga badan ee dalkeenna iyo cirka buluugaa ee calamkeenna u eg oo aan hoostiisa ku caweeyno, isku rogrogno,  kuna dhigno dhollatus iyo damaashaad farxad iyo rayn rayn ka buuxdo, waa maalintii ugu horreysay ee (crew) saraakiil wada Soomaali ah oo ka kooban laba duuliye iyo saddex farsameyaqaan ay kaligood ku duuleen diyaarad labo matoorey ah oo nooceedu ahaa Douglas C-47 Dakota ( sky train) ama DC-3 Dakota lambarkeeduna ahaa “Boso5”. Waxaan lahayn labo diy/dood oo Boso5 ku nooc ahaa oo maalintaas lagu hawl gali karay, hase yeeshee aan ka doorbidnay Boso5 maadaama maalintaas aan ku ballansanayn inaan kaligeen u madaxbanaanaano   duulitaanka hawada saree dalkeenna sida shimbirka cirsankayeerka oo tirada shanta ahna noogu taagnaato xasuusta xanuunka badan ee shanta qaybood oo isticmaarku dalkeenna u qaybshay halka “Boso” macnaheedu ahaay Boosaaso oo la soo gaabshay.

Astaamaha u gaarka ah diyaaradda Dakootada

Qaadka diyaaradda

=

2duuliye iyo 30 rakaab ah

Mugga haamaha shidaalka

=

804 gallon ama 3047 lit.

Xawaaraha ugu badan

=

360km/saacaddii

Xawaaraha ayadoo la tixgelinayo nabadgelyada iyo tashiilka shidaalka

=

270-280km/saacaddii

Fogaanta ay gaari kartay haamaha Shhidaalkoo u buuxa 

=

2400km

Baaca baalasha

=

29.11m

Dhererka diyaaradda

=

19.41m

Joogga diyaaradda

=

5.18m

Culayska qalfoofka diy/dda

=

8256kg

Shixnadda ay qaadi kartay

=

4500kg

Dhacdadii maalintaas diyaaraddu intaysan duulin.

Taliyihii xeeldheereyaashi C.cirka Tayaaniga u fadhiyay Soomaailiya Gashanle sare duuliye Roosaati, wuxuu hadallo isugu jiray sarbeeb, dulmar, kaftan, waano, guubaabo, hoga-tusaalayn, iyo digniin nagu yiri sidaan: waagii aan tababarada idiin diraranay 1957 iyo 1959kii, waxaan idinku soo xulnay aqoon iyo caafimaad ee ka feejignaada inaad ciidanka dhex keentaan kuna maamushaan dhaqanka sirgixan ee aad hiddaha u leedihiin ee ah qabiilka. Haddii aad dhaqankaas guracan ku shaqaysaan waxaa hubaal ah inaad xaquuqdooda duudsiinaysaan budulkana uga tegeeysaan geesiyaal fara badan oo indhahooda aan mudac marin oo ciidanka iyo qarankaba guul iyo sharaf u soo hoynkara. Waa inaad isku tixgelisaan aqoonta iyo kartida, daacadda iyo wax qabadka, waana inaad waqtigaad nabadda iyo barwaaqada ku jirtaan dhididka daadisaan si aydaan dhiig u daadina waqtiga dagaalka. Adinka ayaa hal naxash kuwada duula (diyaarad), oo nimba ninka kale shaqadiisu ay ku xirantahay kan kale noloshiisa iyo tan dadweynaha rayid ah ee idin soo miciin bida inaad geysaan goballadooda ee dhan walba iska-kaashada.

Qabiil qaran ma dhiso, wuxuu dumiyo mooyee wuxuu dhiso lama arag, garaadka iyo socodka taariikhdana laguma hayo xataa yurub oo soo martay marxalado iyo tijaabooyin kastoo qallafsan oo haddii qabiilku leeyahay waxtar iyo nafci u samayn lahaa dalalkooda ciidamo qabiil oo diyaarado ku dagaallama. Qabiilku ma yaqaan xaqsoornimo, dhexdhexaad iyo cadaalad, dhaqankiisu waa eex iyo godob, quursi iyo xaqiraad, aflagaado iyo meelkadhac, qab weeyni iyo anngaa idinka mudan, waa ka caagan yahay wax u qabashada bulshada iyo horumarkeeda, kuma dhaqamo diin, malaha disibiliin iyo asluub, qaanuun iyo ciqaab lagu kaladambeeyo, waa sharci diid shaciga iyo qaanuunka  la col ah, waxaa ku awr kacsada jaahilka aan iskufillayn, waa mug’di madow, waa gabbaadka jahliga iyo duurgoota, xeerka iyo sharcigiisu waa kan dugaagga oo midba midkuu ka xoog badanyahay cuna

Ciidankii habdhaqankaas qaabkadaran lagu maamulo haddii xabbad cadaw lagu soo rido wuxuu u kala firdhadaa sidii dab dhagax lagu dhuftay, wuxuuna dhaxalsiiya, horumar, tayo iyo guul la’aan, sidoo kale wuxuu ku waaraa khilaaf iyo iska horimaad joogto ah, asluub iyo is-haysi la’aan, iskashi iyo qiiro wadaninnimo la’aan, niyad jab iyo tafaraaruq, burbur iyo jahawareer, shil iyo shar joogta ah.

Cimrigiinoo raaga wuxuu idintusaa dhibaatada fooshaxun iyo aragtixumada uu leeyahay markuu jahliga qabiilku idiin adeego (waadna arki d…). Haddii….

wHaddaba waa taas diyaaraddi  aad maanta ku duuli lahaydeen, annagu idinlama socono maanta ee diyaaradda u dhaqaalaysta sidaad geela u dhaqataan, hase yeeshee uga taxaddara sida isha saxarka looga dhowro, asagoo taas uga gollahaa siday iyagu noo bareen in diyaarad loogu dhaqmo iyo gaar ahaan sida loo xannaaneeyo.

Ogaada in diyaaraddi u dhici karto dhowr kg oo siyaado ah iyo khalad yar oo ku yimaada isku-hallayn iyo isku-kalsoonaan. Waxaad ciidan u tihiin dal curdan ah oo dhawaan gobanimadiisa qaadan doona ee haddi yoolka mustaqbalkiinna gudcur hareeyo, wax u qabadka dalkiinna ha ku tallamina ee u dulqaata daacadna u noqda madaxdiisa. Waxaa idin soo maridoona marxalado qallafsan oo dhib iyo qahar badan oo badanaa ku yimaada maamulxumo, talisxumo iyo waaya arag la’aan oo aydaan maanta saadaalin karina ee si sahal ah ha u raja beelina, ka baaraan dega, kana dhur suga, waaya joognimadiinna iyo daacadnimadiinna ayaa tartiib tartiib u xallin doontee.   Garwaaqsada, xag derejo iyo xag mansaba maanta sidaad tihiin u wada socondoontaan ee is-garabsada si aad ugawada gaashaamataan ugana lib keentaan caqabadaha faraha badan ee socodka noloshiinna ka hor imaandoona.

Maalintaas waxaa la diyaariyay oo heegana raacda-reeb ah laga dhigay laba diyaaradood oo Boso5 ku nooc ahaa (Boso3 iyo Boso4), si gurmad iyo baadi goob deg deg ah loogu sameeyo diyaaradda iyo rakaabka saaran, lacalla haddii diyaaraddu cillad darteed meel u fadhiisato ama shil gasho amase xataa ay lunto maadaama waagaas dalkeennu lahayn agab tayo leh ee lagu fulin karay adeegyada guud ee lagama maarmaanka u ah nabadgelyada iyo hagidda diyaaradaha, isgaarsiinta iyo saadaasha hawadaba. Waxaa kaloo la darbay oo qayladhaan dhowr laga dhigay saldhigyadi isgaarsiin uyaalka ahaa ee C.Cirku ku lahaa Xamar, Baydhabo, Gaalkacyo iyo Qardho oo xiriir wada shaqay joogto ah kala dhexaysay isgaarsiintii ciidammada Boolisku ku lahaayeen degmooyinka goballada Mudug iyo Bari.

Maalinta aan u dabaaldegayno ee 15 Febaraayo 1960kii

bMaalintay taariikhdu ahayd 15 Febaraayo saacadduna ahayd 07:15, Boso5 waxay ka duushay gegida diyaaradaha ee Xamar iyadoo ay duulinayeen shan sargaal oo Soomaali ah oo waday 25 rakaab ah, boostooyin kala duwan, mushaaroyinki ciidamada Booliska iyo shaqaalihii kala xirfadaha ahaa ee dowladdi kumeelgaarka ahayd ukala joogay degmooyinka goballada Mudug iyo Bari. Maalintaas diyaaraddu waxay isu martay degmooyinka kala ah Gaalkacyo, Boosaaso, Qandala iyo Caluula oo ay habeenki bariday, subaxdii dambe waxay ka jarmaaday gegida diyuuradaha ee Caluula iyadoo isu martay degmooyinka kala ah: Iskushuban, Qardho, Eeyl, Hobyo iyo Xamar Cadde oo ay bad iyo samatabax ku degatay saacaddu goortay ahayd 16:23dii ee galabnimo iyadoo soo hormartay toddoba daqiiqo waqtigii loo qoonteeyay inay Xamar ku soo gasho.

Barxaddii diyaaradaha lagu seetayn jiray, waxaa diyuuraddii iyo rakaabki laga kala keenay degmooyinka kor xusan si xamaasad iyo niyad wanaag ku jirto ugu soo dhoweeyay, dhammaan xubnihii C.Cirka iyo khubaradii C.Cirka Talyaaniga.

Labadii maalmood oo ay diyuuraddu safarka ku maqnayd ciidanku wuxxu heegan ku ahaa xaruntoodi ku tiil xerada Afiyasiyoone, ayagoo koox koox u dhageysanaya raadiyeyaasha isgaarsiinta T.C.C. hadba gegiday diyuuraddu ka kacayso iyo tan ay ku deganeyso kuwa kalana cirka ay kor u dhowrayeen sidii 20 kii Luulyo 1969 waqtigii (Apollo11) Dayaxa dushiisa ku degtay oo dadweyne wadartoodu kor u dhaaftay 26 milyan ay ka daawanayeen T.V- da adduunka.

Maalmo aan ka xasuus liidan 15 Febaraayo.

Waxaan intaas raacinaa maalinta aan dabaaldegayno inay jiraan maalmo kale oo aan ka xasuus liidan oo ciidanku ka fuliyay gudaha iyo dibadda dalka tusaale ahaan sida: 16/05/1961 markii ciidanku qaaday wafdi uu hoggaaminaayay ergay ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cali Dacar oo ka qaybgelayay tacsiyadii iyo aaskii R/Wasaarihii Kongo ex (Zaiire) Patrice Lumumba oo la aasay 17/05/1961.

Waxaa taas ka sii xasuus iyo muhimad weyn 24/05/63 waqtigii ciidanku qaaday madaxweynihii  ugu horreyay ee Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cusmaan iyo wafdi ballaran oo uu hoggaaminayay kana qayb galayey furitaanki shirkii lagu aasaasay Ururkii Midowga Afrika  25/05/63dii oo mudane Aadan Cadde noqday madaxweynaha qura ee Afrikada madow oo watay diyaarad khaas ah oo wadatay astaanti dalkiisa oo misna ay duulinayeen ciidankiisu, taasna waxay dalka iyo madaxweynahaba u soo hoysay sharaf iyo qadarin dheeraad ah kolkii ay arkeen wufuudii soo dhaweyneysay,dadweynihii iyo suxufiyiinti dunida inay diyaradda wadeen duuliyeyaal dhuudhuuban oo Soomaali ah. Madaxweynihu markuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu saraakiishi diy/dda ku qaaday mid mid ugu soo diray ammaan qoraal ah halka uu ciidanka u soo diray ammaan guud (solenne encamio)

Dhacdadaas xeeldheereyaashii Talyaanigu aad bay ugu riyaaqeen wayna noogu hambalyeeyeen ayagoo weliba ku faanay “waa mirihii aan abuurnay aayahoodi”.  Waagaas xog lagu kalsoonaan karay ayaan ka ogaanay in rag ka tirsanaa wafdiga madaxweynaha ay u soo jeediyeen inay nabad gelyadiisu ku jirto inuu Talyaaniga diyaarad waydiisto marki uu raaci lahaa diy/d gaboowday oo ay duulinayaan rag khibraddoodu ku siman tahay saddex sano. Soo jeedintaas madaxweynuhu wuxuu uga jawaabay, “oo yaa annaga ka wanaagsan oo ay ku barbaran lahaayeen”.

Geesinimadii Madaxweynuhu aad bay noo dhiiri gelisay waxayna nagu abuurtay farxad, isku kalsoonaan iyo isxilqaamid dheeraad ah, maantana Rabbi wuxuu idmay inuu asagi weli noolyahay halka saraakiishii maalintaas diyaaradda ku waday iyo kuwii ra’yiga u soo jeediyayba aan waqtigaan midna ka nooley. Diyaaraddina waxaa hawl gab laga dhigay juun 1972dii iyadoo weli hawl gal ah, laguna beddelay diyaradihii An 24 ee ku caanka baxay “shabeelleeyda”.

30kii Juuniyo 1960kii
Galabtii 30ka Juuniyo 1960kii oo maalin ka horraysay kowda Luuliyo waxaan xeeldheereyaashi C.C. Talyaaniga kala wareegnay 8 siddeed) diy/dood oo kala ahaa:

3 Douglas C-47 Dakota sky train
2 Beech craft C-45 expeditor
1 North American AT6 “Harvard”
1 Stinson L-5 Sentinel
1 PiperSaqdi adhere habeenki kowda Luuliyo ka dib kolkii aan calanka wax ka soo saarnay, hubkii aan salaanta ku bixinayna iska xaraynay, ayaan isla waqtigi waxaan billawnay inaan calanka Talyaaniga ka beddelno saddex diy/dood si aan subaxda 1da Luuliyo uga qayb galno dabaaldegga iyo damaashaadka ka dhacayey garoonka ciyaaradaha ee staadiyo koonis. Subaxdaas loo dabaaldegaynay saxansaxada udugga badan ee xorriyadda kowda Luuliyo oo ahayd maalintii xurriyadda goballada koofureed iyo midoowgii labada gobal (koofur iyo waqooyi), waxay kaloo noqotay, maalintii ugu horraysay ee dadweynaha caasimadda deggan ay indhahoodu ku raaxaystaan aragtida cududdii geesiyadi, ciidankii ku caanka baxay “Cali Boobaye”oo aan weli carbiski iyo agabbaradkii u dhammaan oo saaran gaadiidka ciidamada lagu  qaado iyo kuwa  madaafiicda goobta jiida ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (X.D.S.)

Siddeedaas diy/dood Shan ka midahi waxay ahaayeen kuwa xamuulka lagu qaado oo habeenkaas aan u kala bixinay figrad uu soo jediyay darteed duuliye Cali Mataan Xaashi magacyada hoos dadabka ugu tixan: Sarreeya, Saramara, Samawada, Saaxil iyo Sacadaddiin, walow magacyadaasi aysan u hirgalin sidaan u rabnay. Haddaba, haaddii aan idiin ifiyo macnaha labada magac ee ugu dambeeya, macnahooda wuxxuu ka soo dhambalmay mid ka mid ah heesihii halkudhegyada u ahaan jiray kulankii dhallinyarada Soomaaliyeed (S.Y.L) oo ay ooraahdeedu ahayd “Siinku yeen, Saaxil iyo Waqooyi Soomaali yad weeye yaqiintu miyaa”

Xilligii leegadu soo  hana qaaday , Saaxil waxaa loo yaqiin xeebta dheer ee ku teedsan koofurta Soomaalia laga billaabo magaalada Warsheekh ilaa iyo Sansibaar dhulkii Sayid Barqash xukumi jiray, halka waqooyi loo yaqiin laga billaabo (Gacanka Tajorra ee Jam.Jabuuti) ilaa iyo inta u dhaxaysa Kaabo Guwardafuuy. Waqooyi waxaan ka soo qaadanay Sacadaddiin oo ah jasiirad yar oo lama deggaan ah kuna taal Badda Cas meel u dhaxeysa Berbera iyo Laas Qoray. Waagaas Sacadaddiin waxay noogu muuqatay goob starateejig ah oo berrigeenna ka baxsan kana tirsan dhulweynaha Soomaaliya gabbaadna u noqon kartay maraakiibta ciidamadeenna baddu yeelandoonaan iyo kuwa ciidamada madaafiicda goobta qaybta riddada dheer si ay u sugaan ammaanka Badda Cas qaybta ay barrigeenna ka qoyso (Gacanka Tajorra ilaa iyo Kaabo Guwardafuuy).

a

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaa dhowr sawir oo ka tarjumaya qaar ka mid ah marxaladihii iyo munaasabadihii xasuusta mudnaay ee C. Cirka soo maray.

1954, waa (Stinson L.5 Sentinel) oo ah diyaaraddii 1aad ee lagu tababaro afar ka mid ah shanti duuliyee ugu horreyay ee dalkeenna lagu carbiyo kana mid noqday tiirarki udub dhexaadka u noqday unkintii C. Cirka: Cali Mataan Xaashi, Cali Jaamac Cali, Maxamud Cabdullaahi Barre iyo Cabdullaahi Cilmi (Cabdulaahi Uuseey), midka shanaad oo ahaay Axmad Sheikh Macow wuxuu si toos tababarka ugu qaatay 1956dii dalka Talyaaniga halka afarta kor xusana ay tababarki labaad ee diy/ha laba matooreeyda ah ku qaateen dalka Talyaaniga 1956.

a

Setembar 1956, qofka dharka rayidka ah labisan ee ciidanka dhextaagan waa Cusmaan Cabdulqaadir oo ah farsameyaqaankii ugu horreeyay ee dalka Talyaaniga tababar loogu diro si loo soo baro mid ka mid ah xirfadaha diyaaradaha.

a

7/11/57, waa maalinti aan ka bixitimaynay gegida caalamiga ee Muqdishow, waa unugii 1aad ee ka kooban 32 arday oo saddex mooyee inta kalna ka baxeen dugsigii farsamada gacanta ex.(Scuola Industriale) oo u socda dalka Talyaaniga si loo soo baro xirfadaha kala geddisan ee diyaaradaha. Midig: duuliye Cali Mataan Xaashi oo ardayda sagootinaya: Max’ed Qaasim Caburabbow, Xuseen Saciid Cabdi, Axmed Sheikh Xasan “Hareed”, Saciid Maxamed Ibraahim “Ayax”, G/le sare Roosaati taliyihii C.Cirka talyaaniga u joogay Soomaaliya, ergay ka socday Wasaaradaa Arimaha dibadda talyaaniga, Cumar Ciise Max’ed, Xuseen Cabdulle Cali, Max’ed Yuusuf Cali, Cali Cabdulle Nuur, Damme Duuliye Degl’ Esposti iyo Duuliye Axmed Sheikh Macow oo isna ardayda wax ka sagootinaya.

a
Safka dambe midig: Cabdullaahi Rooble Carraale”tootoo”,Cumar Ciise Max’ed, Xuseen Cabdulle Cali, Xuseen Saciid Cabdi, Axmed Sheikh Xasan”Hareed”, Max’ed Yuusuf Cali, Cali Daa’uud, Cali Cabdulle Nuur, safka hore ee kadkallooba midig: Maxamed Qaasim Cabdurabbow, Saciid Maxamed Ibraahim”Ayax”, Maxamed Maxamuud Cali “Weli”, Maxamed Nuur “Dhuudhi”,  Ibraahim Cabdi Maxamed

a

23/3/58, waa gegidii diyaradaha ee (Capo di Chino, Napoli, Italia), waa maalintii ugu horreysay ee nalgu qaado diyaarad mileteri (Savoia Marchetti 82), si aan u qabatino xaaladaha nagu cusub ee duulimaadku keeno sida yalaalugada iyo lalabada waqtigay hawadu kacsan tahay iyo sida loogu boodo dalladaha goortay ku timaado diyaaradda cillad aan laga raja qabin in la badbaadiyo oo ay timaado nin walbow nafsadaada la baxso ama “ku jirow ka bax”  Safka dambe midig: Max’ed Cabdi Cilmi”Xorxorre, Cumar Macallim Cabdulle”Janiin”, Cumar Ciise Max’ed, Axmed Jilacow Maxamed “Teenis”, Cabdurabbow, Maxamed Yuusuf Cali, Axmed Maxamed Ciise”Ilgiir”, Ciise Tarambi Ugaas, Maxamed “Weli, Cabdullaahi Cabdi Camalow, M. N. Dhuudhi, Shariif Cabdulqaadir Xasan”Deekow”, arday Talyaaniya, Cali Daa’uud, Axmed Ciise Cabdi, Safka hore kadkadalloba midig:Yuusuf Max’ed Cusmaan”Tunji”, Cabdullaahi Rooble Carraale”tootoo”, Axmed Cali Aaden”Goobbe”, Maxamed Xaaji Saalax, Saciid Maxamed Ibraahim”Ayax”, Maxamed Gaaid Xasan, Ibraahim Cabdi Maxamed, Axmed Hareed iyo kan cuskan xuxulka bidixda Maxamed Haaji “Baraako”.

a

23/03/58, bidix: waa, Xuseen Saciid iyo Hareed oo aan weli iska furin suumankii dalladaha kana so degay diyuuradd ay hor taagan yihiin.

a

Maarso 1958, waxaan hor taaganahay cusbitaalkii lagu baarayey caafimaadkeena. Safka hore Midig:Cumar Ciise Maxamed, Maxamed Yuusuf Cali, Ibraahim Cabdi Maxamed, Maxamed Shariif Maleele, dhakgtar, Axmed Teenis, Horhorre, Cabdurabbow: Safka dambe midig: Hareed, Dhuudhi, Cabdullaahi Cabdi Camalow.

a

27/09/58, waa farsamyaqaanitii matoorada tiblayda oo hor taagan diyaarad dagaal oo Jet ah (F-86 “Sabre” fighter bomber) seefta dirirtee duqaysa, oo maalintaas laga siiyay duruus ku saabsan farqiga u dhaxeeya matoorada tiblayda iyo kuwa jetka ah. Safka dambe midig: Xuseen Cabulle Cali, bare, Max’ed Xaaji Baraako, bare, Cabdullaahi Rooble Carraale, Max’ed Gaaid Xasan, safka hore midig: Xuseen Saciid Cabi, Saciid Max’ed Ibraahim”Ayax”iyo Axmed Sheikh Xasan”Hareed”

a

27/09/58, waa farsameyaqanintii haykalka iyo xubnaha diyaaradda lagu hoggaamiyo oo hor taagan hoolka weyn ee ay sariiran (bilqan) yihiin qalfoofyada diyaaradaha oo si cajiib leh ardada loogu safay si ay u arkaan shay kasta gudihiisu siduu u samaysan yahay. Safka taagan Midig: Ibraahim Cabdi Max’ed, Cumar Ciise Max’ed, Cabdullaahi Cabdi Camalow, safka fadhiya bidix: Maxamed Nuur“Dhuudhi”, Max’ed Maxamud Cali” Weli”iyo Maxamed Xaaji Saalax

a

28/09/58, waa goortay noo dhammaadeen Imtixaanadii guud. Safka taagan midig. M.Q.Cabdurabbow, bare, Cumar Macallim Cabdulle, Axmed Maxamed Ciise “Ilgiir”, safka fadhiya midig:  Axmed Cali Aadan” Goobbe” iyo Axmed Hareed.

a

Midig safka taagan: Cumar Ciise Max’ed, Max’ed xaaji Saalax, Cabdullaahi Rooble Carraale, safka fadhiya bidix: Dhuudhi, Hareed iyo Ayax.

aa

Midig, Cali Daa’uud, Ibraahim Cabdi Maxamed, Xuseen Cabdule Cali, Cumar Macalin Cabdulle, Yusuf Maxamed Cusmaan “Tunji”, Maxamed Nuur Dhuudhi, Abuukar Macalin Hiraabe “Hayti” Hareed, Shariif Cabdulqadir Xasan “Deekow” Maxamed qaasim Abdirabow, Yuusuf Cali, Max’ed Xuseen Daa’uud”Xiirane”, Axmed Jilacow Max’ed “Teenis”, Cabdullaahi Rooble Carraale”tootoo”,Cumar Ciise Max’ed, Max’ed Cabdi Cilmi” Xorxorre”, safka fadhiya midig: Axmed Max’ed Ciise “Ilgiir”, Max’ed Gaaid Xasan, Max’ed Xaaji Saalax., Saciid Max’ed Ibraahim”Ayax”, Max’ed Xaaji Baraako, Cali Cabdulle Nuur, Cabdullaahi Cabdi Camalow.

3/10/58, waa ayaantii xirfadbaradku noo dhammaaaday oo naloo aqoonsaday farsameyaqaaniinta ku duusha diyuuradaha, kuwa dhulka ku hagaajiya, isgaarsiinta, dabka iyo saacadaha iyo kuwa ka hawlgala kuudka diyaaradaha laga hago.

 a

3/10/58, safka taagan midig: Hareed, Cumar Macallim Cabdulle, Ciise Tarambi Ugaas. Axmed Jilacow Max’ed”Teenis”, safka fadhiya midig: Cumar Ciise Max’ed iyo Cali Cabdulle Nuur.

3/10/58, safka taagan midig: Hareed, Cumar Macallim Cabdulle, Ciise Tarambi Ugaas. Axmed Jilacow Max’ed”Teenis”, safka fadhiya midig: Cumar Ciise Max’ed iyo Cali Cabdulle Nuur.

 Setember 1959, waa gegida diyaaradaha mileteriga ee (Latina, Italia), waa saddex ka mid ah afar duuliye oo ku takhasusaya duulimaadka Jidaalka dheer iyo  habeenki ee diyaaradaha laba matoorayda sida  C-45 iyo C-47 Dakota Midig: Max’ud Cabdullaahi Barre “Faytaan”, Cali Mataan Xaashi iyo Cali Jaamac Cali, kan afarad ee sawirkaan ka maqan waa Cabdullaahi Cilmi”Cabdullaahi  Uuseey”.

 15/09/60, waa maalintii sida rasmiga ah loo bilaabay dulimaadki toddobaadki laba jeer isku xirijiray labada caasimadood Muqdishow iyo Hargeysa. Duulimaadkaas oo reer Hargeysa ku magacaabi jireen: Calimataan Airways iyo Qandala Airways.

Midig:Max’ed Max’ud Cali “Weli”, Qaasim Ibraahim “Fiilyo”,Cali Mataan Xaashi, Shariif Cabdulqaadir Xasan”Deekow”, Max’ud Max’ed “Lugayare”iyo Cali Jaamac Cali.

1961, waxaan hor taaganahay xaruntii gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Hargeysa oo aad sida cad ugu garan kartaan deydka birta ah iyo Cabdi Dheere. Maalintaas Hargeysa waxaan geeynay W. Wasaaradda Gaashaandhigga ee ugu horreeyay Soomaaliya mud. Max’ed Ibraahim Cigaal, mud. Sarreye guuto Daa’uud Cabdulle Xersi taliyihii ciidanka X.D.S. iyo wafdi mileteriya oo ay hoggaaminayeen. Maalintii ku xigtay waxaa ciidamadii Ingiriiska ka joogay goballada waqooyi lagala wareegay “Ciidankii Scouts Regiment” oo ka mid noqday ciidamadii udub dhexaadka u noqday Ciidankii X.D.S.

Maalintaasi waxay dadweynaha reer Hargeysa u noqotay markii ugu horraysay oo ay maqlaan, arkaanna ciidankooda oo dhoollatuska iyo gaadda kacayaarka mileteriga isku dalbanaya afka hooky (dig-toonow). Midig: Axmed Sheikh Xasan”Hareed”, Ibraahim Cabdi Max’ed, Cali Mataan Xaashi, Cali Jaamac Cali, Max’ud Max’ed “Lugayare”

1/11/61, waa waqtigii uu duuliye Maxamuud Cabdullaahi Barre“Faytaan” u dhammaatay duulimaadkii diy’dda (De havilandi vampire L. 11) oo la fadhiya kooxdii ugu horreysay oo farsame/niin Soomaali ah ee lagu tababaro dalka Masar diy/ha dagaalka ee jeetka ah. Safka taagan midig: Cali Cumar Xasan”Naasweyn”, Qaasim Ibraahim” Fiilyo” Max/ud Culusow Eybakar” Ganey”, Ibraahim Cabdi Max/ed, Axmed Max/ed Warsame” Wardi”, safka fadhiya midig: Axmed Sheikh Xasan“Hareed”,Cali Max’ed Eybakar “Hurdaaye”, Max’ud Cabdullaahi Barre ”Faytaan”, Shariif Cabdulqaadir Xasan”Deekow”, Max’ed Jaamac Kulmiye ”Qoordheere”

1963, waa xafladdii ay safaaradda Masaaridu ku guddonsiisay T.C.C.saddex diy/dood oo jeet ah (De Haviland Vampire L 11) iyo laba diyaaradood oo Al-Jamhuuriya ah.oo lagu sameeyay warshadaha dalka Masar.

Midig: Axmed Max/ed Warsame” Wardi”, Ibraahim Cabdi Max/ed, Yuusuf Max/ed Cusmaan “ Tunji”, Saaruukh dalladaha, Max/ed Qaasim Cabdurabbow, Hareed, Qaasim Ibrahim “Fiilyo”, Max/ud Culusow “ganey”, Cali Cabdulle Nuur, duuliye Daahi Kullane Abtidoon, Max/ed Yuusuf Cali, duuliye Yuusuf Xasan Ibraahim”Yuusuf Dheeg”,duuliye Max/ed Cali Daahir, duuliye Faytaan,iyo Cusmaan Cabbdulqaadir.

 1965, waa diy/ddii Al- Jamhuuriya oo Masaaridu ciidanka ku deeqday 1963.

Safka dambee diy/dda dul saran bidix:Max/ed Gaaid Xasan, Xuseen Saciid Cabdi, Saciid Max/ed Ibraahim “Ayas”, Max/ed Cumar”Dufle”, safka hore midig:Max/ud Culusow Eybakar”Ganey”, Cali Cabdulle Nuur, Max/ed Xaaji Saalax iyo” Curre”.

.

 23/02/64, waa xilligii uu socday dagaalkii 1964 tii. Waa capo hangarki Hareed iyo kooxdiisi ku caanka baxday (saaxiriinti Dakotada), magacuu ku sharfay 1963 taliyihii C.Cirka duuliye Cali Mataan Xaashi kaddib kolkay kooxdaasi la yimaadeen karti dheeraad ah oo ay ku muujiyeen  hanashada    farsamada diy/dda Dakootada oo sannadihii 1960 ilaa 1972  Soomaalida u noqotay awr-cirkii hayinka ahaa oo diyaaraddaan “Fambayrka” ah u diyaariyay faltan dagaal,

 Sugayana duuliye Faytaan oo waajib lagu siiyay inuu soo sahmiyo dhaqdhaqaa ciidamada cadawga ee joogay iyo kuwa kusoo wajahan diiraddana ku haya jiidda soohdinta ku teedsan aagga, (Yeed, Teed, Beled Weyne iyo Ceel Gaal), iyo inuu soo kormeero sarana ugu qaado niyadda ciidankeenni aagaas difaaca uga jiray oo galabtii 15/01/64 laba urur oo komaandos ah oo ciidamadaas ka mid ahaay   diyaarado laku geeyay magaalada Xuddur oo ay kala hoggaaminayeen sarakiisha kala ah  Faarax Wacays Dhuule iyo Cabdulaahi “harag shabeel”.

 Luuliyo 1964, waa duuliye Ismaacil Macallin Cabdulle (Foojaar) oo wali arday ah kuna dhex jira shirka diyaarad Mir 15 ah, oo sannadihii ku xigay 1965, 1966, ay C.Cirka u noqodeen casrigii Miigga 15, 17, An 24 iyo An 2 waa samankii guuxa iyo gurxanka, hugunka iyo hanqarka, onkodka iyo gugaca, xawliga iyo xawaaraha, gabikayerka iyo jabaqceinta, waa waagii ha’ hooy gaabisidaa ma gaaskiibaan kuu dhammaystirintii duuliye Xersi Booddo iyo hawl-karnimadii inj. Cumar Xasan, yaa madadkii duuliye Xaaji Xuseen Xagaafo iyo saburkii duuliye Max/ud Sheikh (dable pilote), habdhaqan wanaagii duuliye Maxamed Cuusmaan Faarax (Gaarac), daacadnimadii iyo qiiradii calan sidihii C.C. Max’ud Culusow (Ganey), waa facii C.Cirku qaangaaray oo boqolaal isugu jiray duulieyaal Iyo farsameyaqaaniin ay uga kala yimideen dalalkii Midowgi Sofiyeetiga, Talyaaniga iyo Masar.

null

7/10/69, waa gegida mileteriga ee (Latina, Italia), waa koox farsam/niin ah oo ku takhasusaa waqtigay diy/ddu duusho 1500 oo saac, habka matoorka, baalasha iyo xubnaha diy/dda lagu hago, qalabka isgaarsiinta, saacadaha, dabka iyo dabdhaliyeyaasha looga dejiyo iyo cagsigeeda, sida loo baaro, loo dayactiro, loo cillad iyo naxlitiro, loo xannaaneeyo, loo agloolo (kaydiyo) iyo sida loo aglool bixiyo. Bidix: Faarax Sheikh Cabdi (Shanwaar), Hareed, Wardi iyo Max/ed Maaclow Buruki.

 1969, waa injineeradii ugu horreeyay ee kasoo qalin jebiyay jaamacadaha dalalkii

Midowgii Soofiyeetiga (U R S). Safka hore midig: Ing Bashiir Nuur Xavier, bare, Ing. Cusmaan Cabdulqaadir, Ing. Saciid Cabdi Yuusuf, Ing. Xasan Cali Cusmaan “Xasan Barre”,Ing.Ibraahim Cabdi Max/ed, duuliye Yuusuf Xasan “Yuusuf Dheeg”, Ing. Xuseen Xasan “Xuseen Dheere”

 15/02/73, waa Axmed”Hareed”oo ka guddoomaya shahaado sharaf hawlkarnimo Taliyihii C.Cirka duuliye Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo duuliyenimada diy/ha dagaalka kusoo bartay dalka Ciraaq sannadihii (1961-62) Midg: Cabdullaahi Cige, duuliye Max’ed weheliye Sheekhow, duuliye Yuusuf Ibrahim Xasan, duuliye Xuseen Cali Mire iyo Cabdiwahaab.

09/09/76, waa maalin xasuus gaara u ah taariikhda gabdhaha Soomaaliyeed. Waa maalintii ugu horreysay ee curaddii iyo geesiyaddii gabdhaha Soomaaliyeed ay kaligeed (solo) ku duusho diyaarad Cessna 150 ah. Waxaa si diiran ugu hambalyeynaya Taliyihii C.Cirka duuliye Max/ud Max/ed Guuleed iyo mid ka mid ah macallimiinteedi duuliye Shaahir Cabdi Afrax.

28/03/88. waa dugsiga dagaalka diyaaradaha “Scuola Guerra Aerea” (Firenze, Itaaliya), Midig: Cabdullaahi A.Qorane, Maxamed Kediye “Kediyeuus”, Xasan Yare, Cabdi Aaden, Hareed iyo Abuukar Nuuraani.

Oktoobar 2006, waa sawiro laga soo qaaday xaruntii C.C.ee Afiyasiyoone dagaalladii sokeeyay kadib.

 Waa albaabki waynaa ee xaruntii Taliska C. Cirka.

 

 Waa shubkii gundhigga u ahaa baalki gorgorka ee astaanta u ahaa C.Cirka ee ay dulaaraan jireen tiirarki la saarijiray calamadii Soomaaliya iyo C. Cirka.

 

 Waa shubki uu saaraan jiray wiishkii dhiilla gelinta ciidanka iyo digniinta dayuuradaha cadowga.

 Waa raqdii iyo birqanixii ka haray hangarkii S. R. A. M. (cuntubki dib u hagaajinta diy/ha C.C.) ee ku dhegganaa hoosada gaadiidka dhulka ee C. Cirka.

 

 Waa albaabki laga gelijiray bakaarahii kaydka saadaka, qalabka dayactirka diy/ha iyo kuwa gaadiidka dhulka.

 

 Waa haraagi iyo buburkii warshaddii ogsiijinka iyo dabaysha.

 Galgelintaan bannaan waa barxaddi diy/ha la dhigijiray, iyo raqdii burburka iyo birqanaxii ka haray afartii hangar ee nooc kastoo diyaarad ah lagu xeraynjiray.

 

 Waa citinti ka hartay naadigi saraakiisha iyo hoygii saraakiisha dobabka ah Iyo kuwa kala yimaada saldhigyada kale.

WAY SOCOTAA TAARIKHDA KALA DUWAN EE CIIDANKA CIRKA SOOMALIYEED EE LA SOCO  QEYBAHA DANBE  ILAA LAGA SOO GAARO BUBURKII CIIDANKA CIRKA SOOMALIYEED !

Ahmed Sheikh Hassan (Hareed)

 Ahmed_hareed@hotmail.co.uk

Bye Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,821 other followers

%d bloggers like this: