Muqdisho (SomaliSwiss) 18, February 2007
Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho dhowr shil oo uu ugu horeeyay gaari noociisu yahay Toyoto Corolla oo maraayey waddada Jen. Daa’uud gaar ahaan meel u dhow xarunta Caafimaadka Dr. Dufle ayaa halkaas ku qarxay iyadoo warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha keenay qaraxaasi,
Warar ayaa sheegayan in kooxo hubeysan ay si afsaar ah Baasuuke ugu dhalaaliyeen gaariga oo ka dibna ay ku baxsadeen gaari kale oo ay wateen, welina ma jiraan warar xaqiiqada ku saleysan oo ku saabsan sababta keentay qaraxaasi,
Waxeyna wararku sheegayaan in gaarigaasi uu ka soo baxay Dekada Weyn ee Muqdisho ayna saarnayeen maleeshiyo Puntland ka soo jeeda halkaasina laga soo raacay inkastoo aan xaqiiqda la heynin,
Sidoo kale waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Ceymiska waxaa kooxo hubeysan oo watay gaari 4-Runner ah ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari kale oo TAXI ah oo sida la sheegay ay saarnaayeen Sadex Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Darawaalkii watay taksigaasi,
Waxaana weerarkaasi ku dhintay laba ka mid ah Sadexdaasi Askari oo iyagoo ku lebisan dareyskii ciidamada,
Waxana la soo sheegayaa in meydkoodu yiilay bartamaha wadada. Dhanka kale,
Sidoo kale galabta kooxo aan la garanayn ayaa waxay dagaal kaddis ah ku qaadeen qaar ka tirsan ciidammada Booliiska oo in yar ka hor la dhigay isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho,
Dagaalkaas ayaa sababay ugu yaraan geerida 8-Qof halka ay ku dhaawacmeen in ku dhowaad 12-Qof oo kale,
Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxaha dagaalkaan geystay ay ahaayeen kuwo watay gaari Caasi ah isla markaana waxay dagaalka ku qaadeen Ciidammada Dowladda iyo kuwo Ethiopia oo ku sugnaa xilligaas isgoyska bartankiisa,
Waxaana dagaalkaas oo aan muddo badan socon uu saameyn ku yeeshay ganacsiga qaadka ee Isgoyska Black Sea,
Ciidamada Booliiska iyo kuwa
Ethiopia oo tiro ahaan lagu sheegay markii weerarka lagu qaaday ku dhawaad 12-askari sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal xilliga dagaalku dhacayay ku sugnaa isgoyska ayaa waxa ka dhaawacmay tiro lagu qiyaasay 7-ruux oo mid iyaga kamid ahaa,
Waxaana la sheegay iney isaga carareen ciidamadii halkaasi la geeyay sababtuna ay aheyn ayagoo dhimasho xoogan iyo dhaawacba loo geystay,
Waxaa Maanta laga dareemayay Magaalada Muqdishoo dhan Colaad taasoo kaliftay Dadweynaha xitaa in ay naceeyb uqaadeen Ciidamada wadanka kusoo duulay iyo kuwa lasocdaba,
SomaliSwiss Omar
Email Riix Halkan |