Posted on February 10, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007
Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa Xarunta Madaxtooyada Dalka Yemen ee Magaalada Sanca ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga fulinta Golaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sheikh Axmed,
Kullanka Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo aan laga soo saarin waxa ay kuwada hadleen ayaa warbaahinta Dalka Yemen waxa ay sheegayaan in looga hadlay sidii Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed uu uga qeyb gali lahaa Hanaanka siyaasadda ee Dalka Somalia iyo Shirweynaha laqaban doono,
Madaxweynaha Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa u sheegay Sheikh Shariif inuu yahay hogaamiye kaalin muuqata ka cayaari kara dib u heshiisiinta iyo Mustaqbalka Somalia waxaa uu intaa kudaray in Sheikh Shariif uu yahay Nin Wadani dalkiisa Diintiisa iyo Dadkiis daacad u ah
SomaliSwiss Omar
SomaliSwiss@hotmail.com |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off
Posted on February 10, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007
Weerarada ka dhacey magaallada Muqdisho kuwaas oo lagu qaaday Ciidamada
Ethiopia ayaa ayaguna kusoo jawaabay Madaafiic ay kusoo rideen dad rayid ah waxaa ku geeriyoodey illaa iyo 8 qoafood kuwaasoo ku kala habsadey hoobiyayaal ay soo rideen Ciidamada Ethiopianka,
kuwaasoo ku dhacey meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa ku dhacey illaa 2 madfac oo la sheegey inuu ka yimid dhinaca Asluubta oo keentey geerida illaa iyo labo qofood dadkaasoo ay ahaayeen dad rayid ah oo gabar ka mid ah ay qoorta ka go’dey,
Waxaa sidoo kale Madfac habow ah ku geeriyoodey Dayniile canug yar iyo Naag, dhinaca kale agagaarka Hotelka Ramadan ayaa waxaa lagu diley nin rayid ah oo la garaneyn sababaha loo dilley,
Isbitaalka Madiina ayaa waxaa la sheegey in uu ku geeriyoodey illaa iyo hadda mid ka mid ah dadkii dhawaac ahaan loo geeyey qasaarahan ayaa waxaa ay umuuqanayaan kuwo inta badi qasaaraka ka soo gaartey dadka rayidka ah,
Ciidamada Ethiopia ayaa looga sheekeeyay hadii lasoo weeraro in ay Madaafiic ugu jawaabaan dadka rayidka ah ee ugu sukeeya waxaana loo sheegay in ay yihiin waxa soo weerara Dadka Muqdisho dagan oo ay isku mid yihiin kuwa soo weerara iyo kuwa ayidka ah,
 
SomaliSwiss Omar
SomaliSwiss@hotmail.com |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off
Posted on February 10, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007
Waxaa weerar Hoobiyayaal ah lagu qaaday Garoonka Wey nee Magaaada Muqdisho illaa iyo 4 gantaal ayaa waxaa lala heley garoonka Muqdisho kuwaasoo aan la garneyn halka laga soo tuurey,
Waxaa hakad ku yimid howlihii iyo duulimaadkii Garoonka iyadoo dadku ay qal qaleen oona laga kala cararay Garoonka iyo agagaarkiisa lama sheegin wax qasaare ah oo soo gaarey,
Ciidamadii halkaa ka joogey Ethiopianka ee lala beegsaday weerarka Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka tahay xaaladda Muqdisho oo aaney cidina si rasmi ah umaamulin,
SomaliSwiss Omar
SomaliSwiss@hotmail.com |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off
Posted on February 10, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007
Weerar Hoobiyayaal ah oo lagu qaaday Hoteelka Kaah ee Magaalada Muqdisho ayadoo markaas ay ku sugnaayeen madax katirsan Dowlada KMG ah ee u adeegta Dowlada
Ethiopia,
Weerarkan ayaa lasheegay in uu geystay dhimasho iyo dhaawacba ayadoo aan la ogeyn inta dhabta ah ee uu gaarayo dhimashada iyo dhaawacaba waayo isla markaaba waxaa meesha soo buuxdhaafiyay Ciidama Ethiopian ah,
Weerarkaan lagu qaaday Hotelka ayaan ilaa hadda la ogeyn Qasaaraha ka dhashay, waxaana goobtaasi ka socday shir ay soo qabanqaabiyeen gudiga dib u Heshiisiinta ee Dowlada KMG ah,
Iyadoo Ergo kor u dhaafeysa ilaa 200 oo laga soo kala xulay degaanada maamul goboleedka Majeertenya ee Puntland iyo Waqooyiga magaalada Muqdisho ay halkaas ku sugnaayeen markii la weeraray ayadoo sida lasheegayo in uu hordhac u yahay shirka dib u heshiisiinta ah ee beesha caalamku ku dhawaaqday,
Shirkan ayaa lasheegay in ay soo dhoodhoobtay Dowlad kusheega oo ay dooneyso in ay aduunyada indhaha kaxirto balse aduunku uu sheegay in aysan aqoonsaneeyn wax walboo ay sameeyaan amaba shir walboo ay qabtaan
SomaliSwiss Omar
SomaliSwiss@hotmail.com |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off