Muqdisho (SomaliSwiss) 09, February 2007
Waxaa soo baxaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ay dul haahaabayaan Magaalada Muqdisho ayagoona wata Qorshe ay doonayaan in ay kuduqeeyaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha,
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Mareykanku uu damacsan yahay in uu duqeeyo Suuqa Bakaaraha oo sida looga sheekeeyay dhibka uu kataagan yahay ayna waxaas uga sheekeeysay Dowlad kusheegga Cadowga Umada Soomaaliyeed,
Diyaaradaha Mareykanka ayaa lasheegay in ay sugayaan oo kaliya in ay wax hub ah kasoo dhacaan Suuqa Bakaaraha si markaasi ay uduqeeyaan,
Dhinaca kale Ciidamada kusheega DKMG ayaa maalmahan Magaalada Muqdisho kawada dhac iyo Dil ay ugeysanayaa Odashaasha iyo Ganacsatada kudhaqan Magaalada caasimada ah ee Muqdisho,
Waxaa kajira Magaalada Muqdisho maalmahan dhanba in odashaasha layiraahdo waxey nala yeelanayaan Shir kadibna heybtooda lawaayo cidii Dowlad kusheega daba gasha ee wax ogoow is tiraahdana Jeelka ladhigo, Dowlad kusheega u adeegayaasha Cadowga iyo Dowlada Kenya iyo Gumeystaha Ethiopia ayaa kuwada tashaday in wixiiba kasoo horjeesta siyaasada Ethiopia iyo Daba dhilifkeeda lakhaarijiyo qaarna ladhigo Xabsiyada Ethiopia,
Warbaahinta Muqdisho ayaa afka loo qabtay oona loogu hanjabay hadii ay wax siyaasad ah faraha lagalaan laweyn doono aragooda dambe,
Umada Soomaaliyeed ayaa Noqotay Umad Gumeysi Gacanta ugashay oo aan wax udooda iyo wax kahadlaaba eysan Jirin ayadoo habeen walba Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Daba Dhilifka ay Madaafiic kuqaraacaan Shacabka Guyahooda
SomaliSwiss Omar
SomaliSwiss@hotmail.com |